Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa wax ka qortay xog ay ka heshay Qoraalka ay Guddiga Qaramada Midoobay (UN) u qaabilsan arrimaha kormeerka cunaqabateynta saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritereya, ayaa warbixintooda ka digay dhaq dhaqaaqa ay ka wadaan gudaha Soomaaliya qaar kamid ah shirkadaha shidaalka baara.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in wadanka Norway uu hada si weyn lugaha kula jiro arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay dagaalo ka dhalan karaan mashruuca shidaal baaristan ee maamulka Somaliland u saxiixay shirkada Batroolka baarta ee laga leeyahay dalka Norway, ee lagu magacaabo DNO. Gooaha maamulka Qandaraaska Somaliland ku siiyeya yaa waxaa kamid ah dhulka ay isku heystaan maamulada Puntland iyo Somaliland, halka Puntland ay dhankeedana qandaraas noocaas ah horey u siisay shirkada African Oil oo fadhigeedu tahay dalka Canada.
Madaxa shirkada DNO oo lagu magacaabo Bjorn Dale oo arrintan ka jawaabay ayaa sheegay in shirkadaasi aysan marnaba ku kici doonin wax khal khal geliya amniga Somaliland.
Warbixinta guddiga oo ay si hoose u heshay wakaalada wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in hada Dowlada Federaalka wado sharciga Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, kaasi oo isaguna keeni kara xiisad ka dhalata dalka Soomaaliya, sida qoraalkaasi lagu yiri Dowlada Federaalka ayaa aaminsan inay iyadu tahay mid bixin karta qandaraasyada Macdanta Soomaaliya iyo khayraadka kale, arrintaasi oo isku dhac ka dhex dhalin karta maamulada horey u jiray sida Somaliland iyo Puntland.
Warbixintan ayaa si gaar ah loogu soo qaatay dhaq dhaqaaqa uu wado wadanka Norway oo dhawaan $30 Milyan oo dollar ugu deeqay dowlada Federaalka Soomaaliya, lacagtaasi deeqda ah ayaa lagu tilmaamay mid lagu kabayo hay’adaha dowliga ee Federaalka, balse waxaa la rumeysan yahay in dhaqaalahaasi wadanka Norway ku doonayo inuu saameyn ku yeesho sharciga macdanta ee Dowlada Federaalka ay wado iyo waliba heshiis la dhex dhigo dowlada Somaliay iyo Kenya oo isku heysto qeybo kamid ah biyaha Bada Soomaaliya.
Shirkada ugu weyn ee Shidaalka soo saarta ee wadankaasi Norway ee loo yaqaan Statoil ayaa sanadihii lasoo dhaafay xiiso weyn u heysay inay batrool ka baarto biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo kenya arrintaasi oo xiisad siyaasadeed dhalisay.
Dowlada Kenya ayaa qandaraaska ku siisay shirkada Norway ee Statoil inay baarto nawaaxiga aaga L26 oo ah (zone-ka) biyaha bada oo ay isku heystaan Somaliya iyo Kenya. Shirkada Norway ayaa joojisay baaritaankii ay halkaasi ku sameyn lahayd kadib markii ay ogaatay xiisada ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya oo horey loo horgeeyey Qaramada Midooay.
Mid kamid ah Saraakiisha Dowlada Kenya oo aan magaciisa la shaacin oo wareysi siiyey Guddiga Kormeerka ee Qaramada Midoobay ayaa u xaqiijiyey in Dowlada Kenya shirkada Norway u saxiixday aaga L26 oo uu sheegay inay iyagu qabaan inuu yahay dhul-badeed ka tirsan Kenya, arrintaasna la xalin doono.
Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee wadanka Norway Mr.Heikki Eidsvoll Holmas ayaa horey u beeniyey in dowlada Norway deeqda ay siisay dowlada Soomaaliya wax xiriir ah la leedahay arrimaha batrool baarista iyo aaga ay isku heystaan Kenya iyo Soomaaliya ee Zone L26.
Guddiga Qaramada Midoobay ayaa horey ugu cambaareeyey dowlada Federaalka Soomaaliya musuq maasuq baaxadleh iyadoo warbixintan qeyb kamid ah horey loo shaaciyey si weyn loogu dhaliilay maamul xumada ka jirta Bangiga dhexe ee dowlada Federaalka Soomaaliya, warbixintaasi hore ayey si weyn u beeniyeen madaxda dowlada Federaalka gaar ahaan Wasiirka Maaliyada iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.
Xigasho: Horseed Media
Figradihiina