Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maamulka Jubbaland iyo waxgarad ayaa cambaareeyay dilkii maanta magaalada Kismaayo loogu geystay Ugaas Cabdiqaadir Sheekh Axmed Ugaaska beesha Galimays ee Absame.
Afhayeenka maamulka, Cabdinaasir Seeraar Maax oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa fal arxan darro ah ku tilmaamay qaraxa lagu dilay ugaas Cabdiqaadir Sheekh iyo nin la saarnaa gaariga.
Seeraar ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta maamulka Jubbaland inay ka dambeyso dilka.
Ugaas Cabdiqaadir ayaa la dilay barqadii maanta kaddib markii qarax miino lala eegtay gaarigiisa oo marayay xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo.
Ceegaag Online-Kismaayo
Figradihiina