Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhageyso: Aqoonyahanada beesha sade Daarood oo DF Soomaaliya ugu baaqay in ay tageraan Jubbland(DAAWO SAWIRO)

Gudiga beesha Sade daarood ee Jubbland ayaa kulan ay ku yeesheen magalada kismaayo waxa ay ka hadleyn arimo kala duwan oo ay kamid yihiin arimaha DF Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedka Jubbland, xaaladaha ka jira jubbland iyo Gogol nabadeed oo loo dhigo beelaha daga Jubbland.

Gudiga ayaa waxa ay dowlada dhaxe ugu baaqeyn in si shuruud la’aan ah ay ku aqoonsato Maamulka Jubbland islamarkaana ay la shaqayso,

Waxay sidoo kale soo hadal qadeen warar sheegaya in Gobalka Gado laga reebo Gobalada kale ee Jubbland waxayna arintaasi ku tilmaameyn tilaabo aan la aqbali Karin.

Eng Axmed oo ah Xoghayaha Guddiga beesha Sade daarood ayaa halkaasi ka akhriyay qodobo ay u wada dhanyihiin.

HALKAN KA DHAGEYSO

 

Sidoo kale gudiga ayaa waxay kulankoodii ku sheegeen in ay ka shaqayn doonaan xalinta khilaafaadka ee ka dhex taagan qaar kamid ah beelaha Jubbland

Imaam Raashid oo ah Gudoomiyaha Gudiga beesha sade daarood oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ugu baaqay dhamaan shacabka ku nool Jubbland in ay ka wada shaqeyaan nabada iyo xasiloonida Gobalada Jubbooyinka iyo Gado.

Magacyada guddiga beesha Sede ee Jubbaland ee shalay ka qeyb galay kulankii ay Kismaayo ku yeesheen.

Imaam Rashiid Cabdi Guraa, Guddoomiyaha guddiga
Coll. Axmed Maxamed Buulle (Dhaay), Guddoomiye kuxigeen.
Injineer Axmed Ismaaciil, Xoghayaha guddiga,
Maxamed Ciise Geelle, Xubin.
Coll. C/nuur Qooje, Xubin.
Nuur Xaaji Cabdi, Xubin.
Coll. Macalin Xaashi C/raxmaan, Xubin.
Bile Cabdi Cabdule, Xubin.
Badraan Maxad Cabdulle, Xubin.
Xareedo Xuseen Gaboobe, Xubin.

 

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag