Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Walxahaan qarxa oo ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada amniga ee maamulka Jubba kadib howlgal ay saaka ka fuliyeen xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Kismaayo, ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay xarunta K2 ee magaalada Kismaayo.
Madasha lagu soo bandhigay walxahaan qarxa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba Land Maxamed Warsame Faarax Darwiish, Guddoomiyaha degmada Kismaayo Cabdulaahi Cabdi Yuusuf Qaldaan, Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda degmada Kismaayo Jamaal Cumar Maxamuud iyo masuuliyiin kale.
Ugu horayn Taliyaha Ciidamada nabadsugidda ee degmada Kismaayo ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey goobta laga soo qabtay walxahaan qarxa iyo wakhtiga uu dhacay howlgalka lagu soo qabtay.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo Cabdulaahi Qaldaan ayaa dhankiisa u mahadceliyey Ciidamada amniga ee gacanta kusoo dhigay walxaha qarxa waxaana uu ka codsaday dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo in ay Ciidamada amniga kala shaqeeyaan sugidda nabadgelyada.
Gaba gabadii ayaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba Land Maxamed Warsame Faarax Darwiish hadal uu jeediyey waxa uu ku sheegay in ay socon doonaan howlgalada caynkan ah oo looga hortegaayo falalka amni darro.
Maaha markii ugu horaysay oo ay Ciidamada amniga ee maamulka Jubba Land gacanta kusoo dhigaan qaraxyo aan weli la fulin iyo waxyaabo kale oo qarxa, ilaa iyo saddex jeer oo hore ayey Ciidamadu soo qabteen isla markaana soo bandhigeen qaraxyo kuwaan lamid ah.
Sikastaba arrintaan ayaa kusoo aaday xilli Amniga magaalada Kismaayo uu kasoo raynaayey sidii uu ahaa asbuucyadii lasoo dhaafay,
DAAWO SAWIRADA:
Ceegaag Online
Kismayo-Somalia
Figradihiina