Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Hada wadanka waxaa meelo badan ka jira abaaro. Waxaad maqlaysaa maamul hebel ama magaalo hebel waxaa beri ka jira “Roob Doon”.
In Ilaahay la baryo waa wax wanaagsan, laakinse waxaa ayaan-daro ah, in maskaxda Ilaahay na siiyey aan si buuxda loogu shaqayn, oo dhibkii shalay dhacay, maanta dhaco, weliba berina la filo oo aan wax tabaabusho ah ee dhibkaas wax ka qaban kara aan la isku taxaluujin ama lagu dhaqaaqin.
Nasiibdaro, waayahaan dambe, sanad walba, ama dhowrkii sanadoodba (every few years) abaaro ba’an ayaa soo laabta, taaso dad iyo duunyo badan ku le’daan.
Intaas waxaa sii dheer, waxaad maqlaysaa xiliga roobku yimaado, biyo daad ah oo xoog badan oo dad iyo duunyaba qaada ee dhib gaysta, lix (6) bilood ila sanadka gudihiisana isla degaanadii oo biyo la’aan loogu baaba’ay.
Aduunyada meelo badan ayaa roob yari ama roob la’aan ka dhacdaa, hadana abaarahooda dad iyo duunyo kuma le’daan; dawlada oo kala kaashanaysa dadka deegaanka tuulooyinka ayaa qorshe iyo tabaabusho la timaada.
1- Draught Resilience Plans:
Water conservation (biyaha oo la kaydiyo sida: baraago lagu kaydiyo biyaha)
Dul daaqsimo u gaar ah,
Geedaha oo aan la jarin
Abuurid dhir daaq oo waqtiga abaarta ka hor aan daaqsimo loo ogolayn.
Ceelal qodid iwm.
2- Conflict prevention
Dhibaatada dhulka daagsimaha iyo ceelasha biyahu oo la isku qabsado are major factors in conflict among neighboring clans.
Hadii laga shaqeeyo hor-umarinta iyo mareynta biyaha roobka iyo in ceelal la qodo isla markaasna loo sameeyo dhulka xiliyo daaqsimo ee qorshaysan :- waxay xal u noqon kartaa, labadaas dhibaato ee marwlaba ku soo noqnoqda dadka reer guuraaga ah iyo tuulooyinka nawaaxigaas ku yaala ee AABARAHA sanad laha ah iyo DAGAALADA (colaada) taxanaha ah ee ka bilowda isku qabsiga dhul-daaqsimeedka iyo ceelasha oo sida badan xoola dhaqatada khuseeya.
Ugu dambayn. walow dhibaatoyin dabiici ah ay jiraan, hadana anaga Maryooley ah, waxaa noo sii dheer qorsho la’aan oo nasiibdaro aan laga sii tabaabushaysan dhib la ogyahay ama la filayo inuu imaan doono.
Ceegaag.com
Figradihiina