Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Warar nagasoo gaadhaya Magaalada Buula-Barde ayaa sheegaya in uu samaacada Masaajid halkaa kuyaala uga sheegay nin lamagac baxay Shangole oo xaga been abuurka u qaabilsan kooxda Al-Shabaab.
Shiikh Fu’ad Maxamed Shongole oo ka mid ah madaxda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in galabta meel u dhaw deegaanka raama-cadeey lagu dilay Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ahaa raga shisheeye ee la dagaalamayay Soomaalida, khilaafka uu kala dhexeeyo Ahmed Godane oo ah nin aan miyir qabin.
Hadalkan uu ku sheegay Fu’ad Shongole geerida hogaamiyahaasi ayuu waxaa uu ka sheegay masjid ku yaala degmada Buula-barde xilli uu halkaasi muxaadaro ka akhrinayey. Waxaana uu sheegay in koox dhagar qabayaal ah dileen , iyaddoo la ogyahay inuu dhawaan dhaawac soo gaaray Abuu-Mansuur kadib markii ay soo weerareen koox ka amarqaadata hogaamiyaha kooxda Al-Shabaab Ahmed Godane.
” Waa la dilay Abuu-mansuur Al-Amriiki xilli uu joogay meel u dhaw raama-cadeey, waxaan soo weeraray koox murtadiin ah kuwaasi oo baryahanba dilkiisa qorsheynayey. Waxaana ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shacaab ” Ayuu si cad u yiri Fu’ad Shongole.
Kuxigeenka kooxda Al-Shabaab Ibrahim Afqaan ayaa mar uu warqad u dirayey hogaamiyaha Al-Qaacida ku sheegay inuu jiro khilaaf xoogan iyo waliba u gaarsi lagu hayo hogaamiyahaasha shisheeyaha ah ee la socda Al-Shabaab. Waxaana uu si gaar ah arrintaasi ugu eedeeyey Ahmed Godane oo isaga ka sareeya.
Amriiki laftiisa ayaa internetka dhawaan ku shaaciyey in la dhaawacay islamarkaana qorshaha uu ahaa sidii loo dili lahaa, waxaana uu raaciyey in dilkiisa uu maleegayo Ahmed Godane. Inkastoo warkan kasoo baxay midka mid ah madaxda ugu sareysa Kooxda Al-Shabaab haddana ma jiraan ilo kale oo madaxbanaan oo aan ka xaqiijino dilka Abuu-Mansuur Al-Amriiki.
Ceegaag.com
Figradihiina