Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 12 (Ceegaag)— Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule oo ka mid ahaa abwaanadii Soomaaliyeed ee dalka ayaa ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta isagoo muddo dheer halkaa ku xanuunsanayay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” R/wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxda dalka ayaa waxa ay eebbe uga baryeen marxuumka inuu janadii fardowso ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule wuxuu ku dhashay Magaalada Oodweyne sanadkii 1936, Dugsiga hoose Berbera ayuu waxbarasho ka bilaabay kadibna waxa uu markii dambe u wareegay dugsiga Sheekh.
Abwaan Cali Sugule waxa uu ka mid ahaa abwaanadii Soomaaliyeed ee kahor iyo kadib xornimadii dalka ka qeyb qaatay wacyigelinta bulshada waxana uu tiriyay heeso badan oo wadani ah waxaan aka mid ahaa heesihii uu alifay abwaanku:
SOOMAALIDEENNII HADDII AY SINNAATAY
SADDEXDII MAQNAANA WAY SOO SOCDAANE
WAA SUBAX WANAAGSANE
CALANKANA SALAAMAA
NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN
XIL BAAD SIDDAA HA SEEXAN HA SEEXAN
SOO JEED OO SI WEYN U FEEJIGNOW
Heesta kale ee Kuluc iyo Magool ku wada luuqeeyeen.
MIDNIIMADEENNII MUGDAY GASHOO
MAGACEEN BAÈEYAY
HA MAAGINE ISA SOO MAQIIQ
HA MILDHAABENE
MAYA-DII HAA MAQAAR LAA SAARAA MAYDHAANTAYEEY
Ceegaag.com
Figradihiina