Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Afgambi ka dhacay Burkina Faso iyo Ciidamada Madaxtooyada oo la wareegay awooda dalka

September 17 (Ceegaag)— Ilaalada Madaxtooyada Burkina Faso ayaa la wareegay xukunka dalka, kadib afgambi dhacay, kaasoo lagu kala diray dowladdii KMG aheyd.
Nin aad ugu dhowaa Madaxweynihii hore ee Burkina Faso Blaise Compaore ayaa loo magacaabay Hogaamiyaha dalka.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa cambaareeyay afgambiga ka dhacay Burkina Faso oo horay u gumeysan jiray Faransiiska.
Hollande ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Madaxweynaha KMg Michel Kafando iyo Ra’iisul Wasaare Isaac Zida, kuwaasoo shalay oo arbaci aheyd la xiray, xilli ay ka qeyb qaadanayeen Kulan Golaha Wasiirada.
Ciidamada Madaxtooyada ayaa rasaas ku furay dadweyne ku banaan baxayay caasimada Burkina Faso, iyadoo qaar badan la xiray
Madaxweynihii hore ee Burkina Faso oo xukunka laga tuuray sanadkii hore ayaa talada hayay 27 sano, waxaana dalkaas ka dhacay dibad baxyo rabshado watay.
Dowladda KMG ee la kala diray ayaa lagu waday in awooda ay ku wareejiso dowladda cusub ee la soo dooranayo 11-ka October ee soo socota.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply