Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Prof. Jawaari oo kulan la qaatay wafdi ka socdey Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Maxamad Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Laamaha Qaramada Midoobay kuwaas oo maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho.

Kulankan uu la qaatay guddoomiyaha baarlamanka wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay qaabka ay Qaramada Midoobay u maamulijirtay barnaamijyada loogu talagalay Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Baarlamanka waxa uuna sheegay in ay isla meeldhigeen sidii loo dardar galin lahaa dib u dhiska laamaha amaanka, garsoorka iyo kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya.

Sidoo kale Prof. Jawaari ayaa tilmaamay in ay socdaan dadaal kale oo ay wadaan dalal saaxiibo la ah Soomaaliya kuwaas oo daneynaya in ay ka qeybgalaan dib u dhiska wadanka.

Prof. Jawaari ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa qaabilaadda wufuud ka  kala socotay dalal dhowr ah oo aad u daneynaya in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Dalka Soomaaliya.

ceegaag@hotmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag