Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ahlusuna oo ku goodisay inay dib u qabsan doonto degmada Caabudwaaq

September 15 (Ceegaag)— Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan, sidii weerar rogaal celin ah ugu qaadi lahaayeen degmada Caabudwaaq oo todobaadkii hore laga saaray.
Afhayeen u hadlay Ahlusuna oo lagu magacaabo Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamadii weerari lahaa Caabudwaaq.
“Ciidamada Ahlusuna waxay diyaar garow ugu jiraan sidii ay weerar rogaal celin ah ugu qaadi lahaayeen Caabudwaaq, si gacanta Maamulka ku soo laabto”ayuu yiri Afhayeenka Ahlusuna.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayay degmada Dhuusa Mareeb iyo deegaanada ku dhow, waxaana maalmahan jiray cabsi laga qabay dagaalo.
Ciidamo taabacsan Galmudug ayaa gacanta ku haya degmada Caabudwaaq, halkaasoo todobaadkii hore kula dagaalameen Ciidamo taabacsan Ahlusuna Wal-jameeca
Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba dagaalo mar kale ka dhaca degmada, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay gaaray Caabudwaaq ciidamo gurmad ah.
Baaqyo ayaa loo jeediyay dhinacyada ku dagaalamaya Gobolka Galgaduud, iyadoo laga digay dagaalo mar kale soo noqda oo Ahlusuna iyo Galmudug dhex mara, xilli ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo hor-jeeda.
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply