Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflad casho sharaf ah oo loogu tala galay soo dhaweynta iyo sagootinta masuuliyiin ka mid ah maqaawiirta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo qorayaal mug iyo miisan ku dhex leh bahda hal abuurka Soomaaliyeed uuna soo qaban-qaabiyay Maamulka Xarunta Dhexe ee Akadeemiyadaasi ayaa lagu qabtay Hotel Beach View ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadii cashadaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa ujeedadeedu waxay aheyd sidii loo yeelan lahaa kulan “BULSHEYN” ah oo ka duwan kulamadii caadiga ahaa, waxaana cashadaasi oo aad loo jecleystey la la isku dhaafsadey fekrado u badnaa sheekooyin isugu jiray taariikh, kaftan, xikmado, maad iyo qaar ka mid ah dhacdooyinka xiisaha badan ee mararka qaarkood ka dhex dhaca bulshada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Akad emiye-Goboleedka AfSoomaaliiga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax oo halkaasi ka hadlay ayaa caddeeyay in bahda AGA ay tahay hal qoys oo ku mataaneysan ilaalinta, daryeelka iyo hal abuurka afka Soomaaliga, waxaana ku nuux-nuuxsadey inuu ku faraxsan yahay inuu Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyo masuuliyiin ka tirsan maqaawiirta Akadeemiyadaasi iyo qorayaal ka mid saaxiibadda AGA, isagoo intaasi ku darey inaaney AGA iloobi doonin habeenkaan qaaliga ah.
“Saaxiibayaal waxaan idiinkugu hambalyeeynayaa imaatinkiina Caasimadda, farxad iyo macno gaar ah ayay inoo leedahay kulanka aan caawa halkaan ku wada qaadnay, dhawaan waxaan filayaa inaad dib ugu laaban doontaan goobihii aad ka timaadeen, safar salaamo iyo ALLE inuu samo idinku celiyo ayaan idiin rajaynayaa” ayuu si qiiro leh u yiri Prof. Afrax oo dhinaca kale xubnahaasi u dul marey hawlaha baaxadda leh oo ay qabato Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
Qoraaga Axmed Farax Cali (Idaajaa) oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiyada AGA, Axmed Cartan oo ah Wakiilka AGA ee Dalka Ingiriiska (Uk) iyo madaxa Xarunta Dhaqanka ee Aw-Jaamac Cumar Ciise Marwo Fardowsa Jaamac oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin casho sharaftaasi loo sameeyay, waxaana ay carabka ku dhufteen inay soo dhaweynayaan waxqabadka iyo horumarka ay sameysay AGA, iyagoo balan qaaday inay horseed ka noqon doonaan daryeelka afka Soomaaliga.
Qorayaasha kala ah Najax, Dayax iyo Fardowsa Banaadir oo qeyb ka ahaa gabdhihii qorayaasha ahaa ee casho sharaftaasi lagu soo dhaweynayay ayaa sheegay inay la dhacsan yihiin sida sharafta badan ee loogu casuumay munaasabdaasi, waxaana ay ku cel-celiyeen inay AGA ku bogaadinayaan sida ay isaga xil saartey horumrinta afka Soomaaliga, iyagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka adeeg kasta oo lagu xoojinayo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.
Munaasabadii casho sharaftaasi ayaa ku soo gaba-gabowday jawi aad u macaan badan, waa markii ugu horeysay oo in muddo ah casho sharaf ceynkaan oo kale ay isugu yimaadeen xubnaha Akadeemiyadaasi ee ku kal sugan Dalka gudahiisa iyo dibadiisa.
Figradihiina