Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Akadeemiye-Goboleedka Afsoomaaliga oo kulan Sharafadeed soo Dhaweyn ah u Sameysay Macallin Saciid Saalax Axmed.

Munaasabad ay si qurux badan u soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Ggoboleedka AfSoomaaliga (Aga) looguna tala galay soo dhaweynta Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka tirsan Maqaawiirta (Ruug cadayaasha) Akadeemiyada Aga ayaa lagu qabtay Xarunta ku meel gaarka ah ee Akademiyadaasi ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadii kulankaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Akadeemiye- Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax, Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka mid ah Maqaawiirta Aga, masuuliyiin ka tirsan Akadeemiyadaasi iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladaasi qiimaha badneyd.

Khudbad kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Aga Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay inuu Macallin Saciid Saalax si diiran ugu soo dhaweynayo Caasimada Soomaaliya, wuxuuna ku cel-celiyay inay Akadeemiyadu ku farxasan tahay imaatinka Macallinka ee Magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale si cilmiyaysan uga warbixiyay isbadaladii ay soo martey Akadeemiyada, shaqooyinka ay qabato xarunta Aga ee Magaalada Muqdisho, qorshayaasha hor yaalo iyo dadaalka guud oo ay ugu jirto Ilaalinta iyo daryeelka afka Soomaaliga.

Macallin Saciid Saalax Axmed oo isna ka hadlay munaasabadaasi ayaa cadeeyay inuu ku faraxsan yahay sida walaaltinimada iyo saaxiibtinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku nuux-nuuxsadey inuu madaxda Akadeemiyada Aga uu ugu mahad naqayo kulan sharafeedka ay u sameeyeen, isagoo halkaasi ka balan qaaday inu sii xoojin doono dadaalkii uu ugu jirey kor u qaadida afkeena Hooyo.

Prof. Afrax iyo Macallin Saciid Saalax oo ay la socdaan masuuliyiinta kale ee Aga ayaa si wadajir ah u soo kormeeyay Xafiisyada xarunta ku meel gaarka ah ee Akadeemiyada, waxayna halkaasi ku yeesheen kala war qaadasho iyo wada sheekeysi xiiso badan, iyagoo ugu dambayntii si wadajir ah ugu balamay in la kordhiyo daryeelka iyo hal abuurka afka Soomaaliga.

Saciid Saalax Axmed waa Macalllin iyo Abwaan si baahsan caan uga ah guud ahaan caalamka gaar ahaan gayiga ay degto Soomaalida, taariiq ahaan Macallin Saciid Saalax waxaa lagu xasuustaa suugaantii hodonka aheyd ee uu tiriyay xillliyadii bariisamaadka, abwaanka ayaa heesahiisa intooda badan waxay ka hadlayeen qiimaha Waxbarashada maadama uu ahaa Gudoomiyihii Kooxda Iftin ee Wasaaraddii Waxbarashada Soomaaliya, Macalin Saciid ayaa haatan qeyb ka ah Soomaalida ku dhaqan Wadankaasi Maraykanka.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply