Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madashaasi oo aheyd mid aad u xiisa badan ayaa qabashadeeii waxaa iska kaashaday Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga {AGA} iyo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay madax ka kala socotay maamulka k/galbeed, bahda waxbarshada, warbaahinta iyo wakiilo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladaasi.
Wakiilka Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee K/Galbeed ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo furitaankii munaasabadaasi khudbad qiima badan halkaasi ka soo jeeediyay ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta waajibaadka iyo hawlaha ay Akdeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga u xilsaaran tahay, wuxuuna carabka ku dhuftay in AGA ay ka go’an tahay ilaalinta daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka hooyo, isagoo u soo jeediyay ka qeyb galayaashii madashaasi inay gacan ka gaystaan dhowrista afka Soomaaliga.
Munaasabadaasi waxaa casharo ku saabsanaa adeegsiga afka soomaaliga ee dhanka waxbarashada iyo doorka ay saxaafaddu ka qaadan karto kobcinta afka Soomaaliga ka soo jeediyay Cali C/lle Xasan oo ka socday Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta Sare iyo Gudoomiye ku xigeenka Nusoj Muxyadiin Xusni, sidoo kale waxaa madashaasi iyana ka hadlay Afhayeenka Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliya Fowsi Cabdi Nuuur iyo masuuliyiin kale oo ku hadlayay magaca ururada bulshada Goboladaasi.
Soo jeedintaasi kadib waxaa madashaasi la isku weydaarsadey su’aalo iyo jawaabo la xiriiray sida la isaga kaashan karo daryeelka afka hooyo, qaar ka mid ah ka qeyb galayaashii kulan aqooneedkaasi ayaa ku bogaadiyay Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga sida ay ugu dadaaleyso illaalinta afka Soomaaliga, iyadoo madashaasi lagu daawaday suugaan uu goobtaasi ku soo bandhigay Abwaanka Maxamed Xasan Canjeex, taasi oo ka tarjumaysay hodontinimada afka Soomaaliga.
Kulan aqooneedka maanta ka dhacay Magalaada Baydhabo ayaa qeyb wuxuu ka yahay kulamo iyo tababaro baahsan oo loogu tala galay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa daryeelka afka Soomaaliga, Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga {Aga} ayaana hawshaasi dhabarka u ridatey , waaxaana illaa iyo haatan lagu guuleysay in lagu kala qabto Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, Garowe iyo meelo kale.
Figradihiina