Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

AKADEEMIYO GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA OO XARUN CUSUB KA FURANAYSA MAGAALADA MUQDISHO.

disembar 30( Ceegaag)- Shir aad u balaaran oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta iyo dar-dargalinta hawalaha Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee AGA ayaa lagu qabtay Hotelka AMIIRA ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii kulankaasi oo ahayd QADO SHARAF si aad ah loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Akadeemiyada Prof. Maxamed Daahir Afrax, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo ka tirsan Masuuliyiinta sar-sare ee Akadeemiyada, Ruug cadaaga Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Maqaawiirta Akadeemiyada, Gudoomiyaha Somalipen ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya C/naasir Yuusuf Macalin, Pof. Mustafa C/laahi Feyruus oo ka mid ah Aqoonayahnada Akadeemiyadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Aga.

Furitaankii munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Akadeemiyada Prof Maxamed Daahir Afrax wuxuuna si qota dheer uga waramay ujeedada la isugu yimid kulankaasi, wuxuuna sheegay in isu imaatinkaan uu xambaarsan yahay dhawr arimood oo aad u waa-weyn sida Xuska Mowliidka Nabigeena CSW, Sagootinta Sanadka sii dhamanaya ee 2015-ka iyo Soo dhaweynta midka bilaabanaya ee 2016-ka, Is barashada masuuliyiinta iyo xubnaha cusub ee Aga, iyo Diyaarinta qorshaha ay Akadeemiyadu ku hawl gali doonto 2016-ka, isagoo cadeeyay in kulankaani uu bilow wanaagsan u yahay habsami u socodka hawlaha hor yaala Akadeemiyada ee Sanadka cusub.

Gudoomiye Afrax oo hadalikiisa sii wata wuxuu shaaca ka qaaday in Xaruntii ugu horeysay Akadeemiyadu ay ka furanayso maalamaha soo socda Caasimada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in xaruntaasi ay ka shaqeyn doonto fulinta adeegyada ay Akadeemiyadu qabanayso, isagoo hoosta ka xariiqay in Xaruntaasi ay saldhig u noqon doonto horumarinta wax qabadka Aga.

Mar uu ka hadlayay Prof. Afrax qorshayaasha ugu horeeya ee Akadeemiyadu ay ku dhaqaaqeyso ayaa ku cel celiyay in hawlaha Aga loo qaban doono sida ay u kala mudan yihiin, wuxuuna kula dar-daarmay Masuuliyiinta iyo xubnahii shirkaasi ka qeyb galay inay xil gaar ah iska saaran sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen Waajibaadka ay dusha u riteen.
Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay qabashada shirkaasi, waxaana ay balan qaaday sidi ay qeyb libaax leh uga qaadan lahayd adeegyada kala duwan ee Akadeemiyadu qabanyso, iyadoo cadeysay inay gacmo furan ku soo dhaweynayso hawl wadeenada ka shaqeyn doono Xarunta Akadeemiyada ee laga hirgalinaayo Caasimada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo aad u xiisa badnaa ayaa gaba-gabadiisii waxaa laga soo saaray qoddobo ay ka mid ahaayeen:–
1-In la xoojiyo la xiririka Hay’adaha bah wadaagta la ah Akadeemiyada.
2-In loo dhaqaaqo qabashada Barnaamijyo isugu jira Wacyi galin guud, Shirar looga hadlaayo Cilmi baarista iyo Xoojinta adeegsiga Afka Soomaaliga , Dhacdooyin maalmeed, Tababaro, IWM.
3- In loo diyaar garoobo maalinta Caalamiga ah ee xuska AFKA HOOYO ee 21-ka Febraayo iyo ka qeyb qaadashada Dabaal dega maalinta Afka Soomaaliga ee 21-Janaayo.
4-In Akadeemiyadu yeelato Warbaahin lagu soo bandhigo waxqabadka hawlaheeda iyo qoddobo kale oo aad muhiim u ahaa.

Kulankaan oo ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan ayaa qeyb wuxuu ka yahay kulamada joogtada ah ee Masuuliyiinta iyo Xubnaha Akadeemiyaddu ay ku kala war qaataan isla markaana lagu gorfeeyo haddba hawlaha hor yaala Aga.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply