Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 10 (Ceegaag)— Xoogagga Al-Shabaab ayaa sii wada la wareegitaanka deegaanada ay faarujinayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo saaka ilaa shalay gelinkii dambe la wareegay deegaanada Golweyn iyo Cambareey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo hubeysan ay soo gaareen deegaanada Golweyn iyo Cambarey oo hoos taga Buulo Mareer.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa deegaanadaas ay isugu tageen deegaanka Buulo Mareer ee ka tirsan degmada Kurtun-waarey.
Deegaanka Golweyn ayaa u dhaxeeya deegaanada Buulo Mareer iyo Shalanbood, halka deegaanka Cambarey uu u dhaxeeyo Baraawe iyo Buulo Mareer.
Lama oga sababaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uga baxeen deegaanadaas oo marin u ahaa sahayda ay u gudbistaan Baraawe iyo deegaanada kale ee ay horay u qabsadeen.
Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ay ka baxeen deegaanka Wabxo, waxaana la sheegayaa in halkaas ay gaareen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo wararkan ay yihiin kuwo horu dhac ah.
Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay faarujiyay deegaano ay horay u qabsadeen oo ka tirsan Gobollada Bay, Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galgaduud.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina