Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 27 (Ceegaag)— Al-Shabaab ayaa saakay gudaha ugalay degaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii laba maalin ka hor ay ka soo baxeen ciidanka XDS ee ku sugnaa.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in ay arkayaan gaadiid dagaal oo ay la socdaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah xaafadaha degaanka ayay galeen kooxdan, wararka qaar ayaa sheegaya inay jabiyeen guryo dhowr ah ayagoo baadi goobaya dad ay odayaasha degaanku ku jiraan oo ay sheegeen inay taageereen ama ay qaateen ammarka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka AMISOM ayaa dhinac ka deggan degaanka Ceel-Baraf oo ay xero ku leeyihiin. Sidoo kale waxay xeradooda gabbaad ka siiyeen dhowr qof oo ka mid ah dadka degaanka oo ka soo cararay maleeshiyaadka soo galay Ceel-Baraf.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalintii Jimcaha ka soo baxay Ceel-Baraf, Warar aan helnay ayaa sheegaya inay mushaar u soo doonteen agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar oo ay ku sugan yihiin saraakiisha mushaarka siinaysa.
Markii ay isku dayeen inay dib ugu laabtaan Ceel-Baraf, waxaa jidka u galay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab sida ay sheegayaan dadka degaanku, waxayna u weecdeen dhinaca degaanka Biyacadde oo ay iminka ku sugan yihiin.
Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii hore laga saaray degaanka Ceel-Baraf, kaddib howl gal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidanka XDS iyo AMISOM
Ceegaag.com
Figradihiina