Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 21 (Ceegaag)— Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin Xerada Laanta-Buuro, halkaasoo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.
Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa xeradaas labo jiho ka weerartay, isla markaana ay kula wareegtay muddo kooban Laanta-Buuro.
Ciidamada la weeraray ee ku sugnaa saldhigan ayaa ka tirsanaa Guutada shanaad ee ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen askar ka badan tobaneeyo, waxaana weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen xeradaas uu ahaa mid kedis ah.
Al-Shabaab ayaa sheegay inay la wareegtay todobo gaari dagaal, halka mid kalena ay gubeen, waxaana gaadiidka dagaal ee ay qabsadeen la aadeen dhinaca Awdheegle.
Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska Milateriga oo ku aadan weerarkan lagu qaaday Xerada Laanta Buuro.
Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaadayay xeryaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana weerarada ay inta badan qaadayeen xilli saq dhexe.ah.
Dagaaladan ayaa xilliyadan danbe marba marka ka danbeeya usii ekaanaya kuwo culeyskooda leh.
Ceegaag.com
Figradihiina