Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Muqdisho, Ogosto 05, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka samefalayaasha Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Dr. Xaawo Cabdi ay u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray.
“Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku yeelatay nolasha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada ay u qabtay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
Jaaliyada reer Boston oo ay matalayaan Gudiga Isxilqaan ayaa tacsi tiiraanyo leh udiraya qoyska iyo qaraabada Drs. Xaawo Cabdi.
Dhinaca kale
“Alle ha u naxariisto Drs. Xaawa Cabdi, waxay ay inta ugu badan nolasheeda ku bixisey ururinta dadka danyarta Soomaalida ah, iyada oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay uruurinta dadka tabaaleesan.”
Waxaa tacsi tiiraanyo leh nasoo gaadhsiiyay madaxa SCERDO ee Edminton Jamaal Xaaji Cali iyo dhamaan shaqaalaha SCERDO ayaa tacsi u diraya qoyskii Drs. Xaawa Cabdi. Sidoo kale madaxa SAYPA Yaasmiin Daahir odaygeeda Xuseen Fiin iyo dhamaan shaqaalaha SAYPA-Boston, ayaa tacsi u diraya qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeryootay Drs. Xaawa Cabdi.
Ceegaag.com
Figradihiina