Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Febraayo 16 (Ceegaag)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday adkeynta ammaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyadoo halkaasi la geeyay ciidamo hor leh oo laba nooc ah kuwaasi oo iyagu qaabilsan baaritaanada dadka ka soo degaya garoonka iyo kuwa dhoofaya.
Jan. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidamada Booliska Dowladda Federaalka oo maanta kormeer ku tegay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha iyo taliyeyaasha ciidamada.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii dhinaca ammaanka la isaga kaashan lahaa, isla markaana qeyb kasta oo ka mid ah ciidamada Booliska ee ka howlgala gudaha garoonka ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda.
“Ciidamada ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxay amar ku qabaan inay baaraan cid kasta oo halkaan ka dhoofeysa iyo kuwa soo degayaba” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska.
Mar uu ka hadlayay ciidamada Booliska ee la geeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa uu sheegay Taliye Jan. Xaamud inay kala yihiin: Ciidamo si gaar ah u tababaran oo lagu magacaabo RRT iyo qeybta kale ciidamada Booliska ee loo tababaray inay la shaqeeyaan Eeyaha uriya waxyaabaha qarxa.
Tallaabadaan ayaa timid kaddib markii 2-dii bishaan uu ka dhacay fal amni darro, kaasi oo lagu qarxiyay diyaaradda Daallo, kaddib markii uu garoonka ka dhoofay qof watay Computer Laptop lagu rakibay walxyaabo dareere ah oo qarax laga sameeyo.
Ceegaag.com
Figradihiina