Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 29 (Ceegaag)— Taliska AMISOM ayaa qirtay in mid ka mid ah Askartooda uu dil u geystay wiil 14-jir ah, kaasoo kubad ku ciyaarayay agagaarka Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.
Dhacdadan oo aheyd maalinimadii shalay aya wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Bashiir Axmed ayaa waxaa toogtay askari ka tirsan ciidanka AMISOM ee ku sugan Garoonka Stadium Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Col. Paul Njuguna ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayaan qaabkii uu u dhacay dilka wiilka yar
“Macluumaadka aan illaa iyo hada haayo waxay tahay in wiilka yar uu ku cararay Difaacyada AMISOM, wiilka wuxuu doonayay in kubad ka gashay meel u dhow xerada uu soo qaato, balse askarigii difaaca ku jiray wuxuu mooday inay qatar ku soo wajahan yahay, sidaas ayuu dilka u dhacay, waxaa wali raadineynaa macluumaadka saxda”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM.
Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in aysan raali ka aheyn in dhibaatooyin loo geysto dadka shacabka, waxaana uu xusay in wax walba uu kala cadaan doono marka uu soo dhamaado baaritaanka socda kadib.
“AMISOM marnaba raali kama noqon doonto in dad shacab ah si mas’uuliyad darro ah loo dilo ama sababo kale, mana ogolaaneyno in saas wax u dhacaan, sidaas darteed waxaa naga saaran mas’uuliyad, arrintan baaritaankeeda waa socdaa, waxaa dhowaan furnay Website ay dadka noogu soo gudbin karaan cabashooyinka, waxay noogu soo diri karaan dhibaatooyinka dadka laga dilay”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM.
Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore waxay dad shacab ah dilal ugu geysteen magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, iyadoo aanay badi jirin wax magdhow ah oo ay ka bixiyeen dadkii ay xasuuqeen.
Ceegaag- muqdisho
Figradihiina