Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxwaynaha maamulkaa Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray Aqalka looga taliyo Maamulka Somaliland oo dayactir aad u wanaagsan lagu sameeyay iyada oo lagu kordhiyay sideed xafiis iyo laba qolshireed ah. Waxaana halkaasi madaxweynaha ku soo dhaweeyey wasiirka madaxtooyada maamulka Somaliland Xirsi Cali oo ka xog waramay dhismayaashan iyo waxa loogu talo galayba.
Wasiirkan sheegay in ay yihiin 8 xafiis, laba Qol oo shirarka loogu talo galay iyo kulamada caalamiga ah kuwaas oo ah kuwo casri ah, 9 Qol oo hurdo ah oo loogu talo galay ciidamada ilaalada qasrigan, kuwaas oo cusub iyo dib u qurxin balaadhan oo lagu sameeyey fooqa qasrigu ka kooban yahay oo laga dhigay mid AL-MUUNIYAAN lagu xidhay sida ka muuqata sawirda ee nala daawada.
Ceegaag.com
Figradihiina