Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa maanta lasoo xiray aqoon isweydaarsiga sannadalaha shanaad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2019), oo muddo seddax maalmood ah ka socday magaalada Moqdisho.
Aqoonisweydaarsigan oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed ee (ISOS) ) oo ah xarun cilmibaariseed katirsan Jaamacadda Muqdisho waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 260 aqoonyahan iyo waxgarad soomaaliyeed oo ka kala tirsan jaamacadaha dalka, xarumaha cilmibaarista iyo guud ahaanba waxgaradka bulshada.
Ugu horeyn waxaa kahadlay agaasimaha machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (ISOS) ustaad Mustafa Cabdullaahi Feyruuz oo ugu mahadceliyay aqoonyahankii maalmihii uu shir cilmiyeedka socday soo sharafay wuxuuna u rajeeyay horumar iyo inay u diyaar garoobaan shirka cilmi baarista ee soo socday 2020-ka.
Drs. Qoraa, iyo xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim ayaa u mahadcelisay Jaamacadda Muqdisho iyo machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (ISOS) iyadoo tiri:
“aad baan ugu faraxsanahay inaan madashaan cilmiga oo kale soo xaadiro waana mid dhamaanteenba inoo abuuraysa horumar iyo yididiilo aad u sareesa waxaan dhalanyarada Soomaaliyeed kula dardaarmi lahaa inay dalkooda ushaqeeyaan gaarsiiyaanna meel qiimo badan.”
Gebagabadii kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho ustaad Xasan Sheekh Xasan (Baaxasan) ayaa yiri:
“Waxaa la sameeyay rajo wanaagsan oo ah in la sameeyay dhalinyaro aqoonyahaniin ah oo ku dadaalay cilmibaaris qiimo badan kana tirsan machadyada iyo jaamacadaha dalka.”
Waxaa ka faa’idaystay aqoonyahanno badan oo dalka gudihiisa jooga iyo kuwa kale aan joogin waxaa kaloo ay helayaan maraajiic.
Aqoonisweydaarsigii shanaad ee cilmibaarista Soomaaliyeedna wuxuu kusoo gebagaboobay jawi qurux badan.
Cabdinaasir Yuusuf Macalim
Figradihiina