Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha Afraad ee Cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018) oo ka Furmay Muqdisho

Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 13novembar furmay Aqoon isweydaarsiga sannadlaha afraad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISOS), oo hoos taga Jaamacadda  Muqdisho.

Aqoon isweydaarsigan oo socondoona muddo saadex maalmood ah,  waxaa kasoo qaybgalay aqoonyahanno iyo cilmibaarayaal katirsan jaamacadaha iyo xarumaha cilmibaarista ee ku yaala dalka oo tiradoodu gaarayso in kabadan (150) aqoonyahan.

Sidoo kale waxaa kaqaybgelaya waxgarad  katirsan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Aqoon isweydaarsiga sannadkan waxaa halkudheg u ah:

Soomaalida Dunida ku Baahsan iyo Waayaha Maanta”
“Somali Globalised Society: Dynamics & Challenges”

xafladii furitaanka Ugu horayn waxaa kahadlay agaasimaha machadka ISOS ustaad Mustafa Cabdullaahi Fayruus oo kajeediyay hadal isugu jiray soo dhawayn iyo warbixin kusaabsanayd habsocodka barnaamijka, waxaana uu sheegay in lagu soo bandhigayo  in kabadan (30)  daraasadood iyo cilmibaarisyo kusaabsan sooyaalka iyo waayaha Soomaalida.

“Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmibaarista Soomaaliyeed waa madal cilmiyeed  uu sanad kasta qabanqaabiyo machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xarun cilmibaariseed katirsan Jaamacadda Muqdisho” ayuu hadalkii kusoo gebagebeeyay agaasimaha machadka ISOS

waxaa sidoo kale madasha aqoon iswaydaarsiga kahadlay Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqi oo ah agaasimaha tacliinta sarre iyo cilmibaarista ee wasaaradda waxbarashada iyo  tacliinta sarre ee dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa ku amaanay  machadka ISOS  howlaha uu cilmi baarista ka qabto, wuxuuna ku booriyey  inay dadaalkaa sii laba laabaan.

Ugu dambayn kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka arrimaha xiriirka ee Jaamacadda Muqdisho Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. Liibaan) ayaa umahadceliyay aqoonyahanka kasoo qaybgalay iyo cilmi baarista waxku oolka ay soo jeedin doonaan wuxuuna urajeeyay inuu guul kudhamaado xoogana lasaaro in dadaal xoog leh loo galo in dalka cilmi baarisyo badan laga sameeyo.

Aqoon iswaydaarisga maalintiisii koobaadna wuxuu kusoo dhamaaday guul.

 

 

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

Muqdisho, Soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply