Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Aqoon isweydaarsi looga hadlayay sidii loo tayayn lahaa adeegsiga afka Somaaliga ayna ka soo qeyb galeen masuuliyiin kala duwan, aqoonyahano, xeel dheerayaal ku takhasusay afka iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Madashii aqoon is weydaarsigaasi ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray doorka ay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta, Waxbarashada iyo Maamulka ay ka qaadan karaan xoojinta iyo hagaajinta afka Soomaaliga, waxaaana madashaasi oo ahayd mid aad u xiisa badan soo qaban qaabiyay Akadeemiyo Goboleedka af-Soomaaliga iyo Naadiga Hal abuurka iyo Qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali Pen.
Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Golaha Baarlamaanka Xildibaanad Maryan Cariif Qaasin oo halkaasi ka hadashay ayaa ka war bixisay kaalinta ay Akadeemiye Goboledka af-Soomaaliga ka qaadanayso horumarinta afka Soomaaliga, waxaana ay tilmaamtay in Akadeemiyadu ay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta afka Soomaaliga, iyadoo intaasi raacisay in wax walba ay ka hor marinayaan sidii loo adeegsan lahaa af Soomaali sax ah.
Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida ay Warbaahinta u adeegsan karaan afka Soomaaliga, wuxuuna tilmaamay in Warfaafinta looga baahan yahay sidii ay u qeyb qaadan lahaayeen tayeynta afka Soomaaliga, isagoo munaasabdaasi ku sooo bandhigay SAX iyo KHALAD sida ay Saxaafaddu u adeegsato afka Soomaaliga.
Mar u ka hadlayay Prof. Maxamed Daahir Afrax xaalada uu ku sugan yahay Afkeena Hooyo ayaa cadeeyay inuu afku ku jiro xaalad tayo beel ah, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay lagama maarmaan tahay in loo hawl galo sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadida afka Soomaaliga.
Munaaasabadii aqoon isweydaarsigaasi waxaa iyana hadalo kala duwan ka soo jeediyay Gudoomiyaha Somali Pen Cabdi naasir Yuusuf Macalin, Gudoomiyaha Jaamacadda K/Galbeed Prof. Maxamed Cali Kalaay, Agaasimaha machadka ISOS oo hoos taga Jaamacdda Muqdisho kana mid ah madaxda Akadeemiyada Prof Mustafa C/laahi Feyruus, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Qadar Dr. Cumar Sh. Cali Idiris (Cumar Dheere), kuwaasi oo si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay tayaynta afka Soomaaliga, qaar ka mid ah ka qeyb galayaashii aqoon isweydaarsigaasi ayaa halkaasi u soo bandhigay su’aalo kala duwan oo la xiriiray adeegsiga wanaagasan ee afka Soomaaliga.
Aqoon wadaagaasi oo ku dhacay jawi aad u haboon ayaa waxaa lagu soo bandhigay buugag kala duwan oo ku qoran afka Soomaliga, waxaana lagu daawaday Suugaan aad u xiisa badan oo ka hadlaysay afka iyo kor u qaadistiisa, iyadoo qabashada aqoon wadaagaasi ay qeyb ka ahayd Xuska maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.
Ceegaag.com
Figradihiina