Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Sarkaal katirsan Xafiiska Warfaafinta Al Shabaab ayaa sheegay in ay iyagu mas’uul ka ahaayeen weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho KM4.
Al Shabaab waxay sheegtay in ay gaari miineysan ku weerartay wasiirka arrimaha gudaha DF-ka iyo wafdi caddaan ah oo ay xarakadu ku sifeysay Calooshood u shaqeystayaal xilli ay marayeen bartamaha Muqdisho.
“Mujaahidiinta ayaa maanta beegsaday wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Ridada iyo wafdi caddaan calooshood u shaqeystayaal ah,weerarka waxaan u adeegsanay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo aan u dhignay wadada hareeraheeda”ayuu yiri Sarkaal XSHM katirsan oo SomaliMeMo lahadlay.
Dowladda ayaa iyana dhankeeda beenisay inay wax ku noqdeen qaraxa dadkii loo waday ee shaqaalaha ajabiga ah.
Figradihiina