Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa waxaa loo doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareen.
Xildhibaanada Galmudug ee soo xaadiray hoolka doorashada oo tiradooda ay gaareysay 77 Xildhibaan, ayaa Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.
Musharixiinta Afarta ahaa ee ku tartamay doorashada ayaa waxaa ay codadka u kala heleen
1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) 66 Cod
2 : Axmed Cabdullaahi Samater. 9 Cod
3: Cabdiraxman Aadan Sabriye 1 Cod
4: Axmed Shire Maxamed (falagle) 1 Cod
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaciyey in xilka Madaxweynaha Galmudug uu ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)
Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid la sii ogaa, maadaama Musharaxii dowladda ay wadatay ee Axmed Cabdi Kaariye uu ku guuleystay kursiga.
Doorashada Madaxwayne ku xigeenka oo Jilbaha laysku aastay kadib ayaa waxaa ku guulaystay Cali Diini Ciid ugu danbayntii.
Ceegaag.com
Figradihiina