Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
oo ahaa bare caafimaad oo aflixiyey boqolaal dhalinyaro ah oo haatan ka hawlgasha rugo caafimaad oo kala duwan, wuxuu kale oo uu ahaa samafale u shaqeeya hey’adda bisha cas, iyo xirfadle caafimaad oo rug sheeybaar ku lahaa magaalada Kismaayo.
Marxuum Axmed Cali Jimcaale Cosoble (Maleele) ayaa askar k tirsan saldhiga baleeska Kismaayo ku toogteen meel aanan saldhiga ka fogeyn wax lagu tilmaamay dhacdo nasiib daro kulansatay.
Waxaa la sheegey in Macalin Maleele uu saldhiga u yimid kadib markii ay soo dacweeysey haweeneey ay isku heysteen meel dariiq gurigiisa hormara oo ay dhisan lahayd, balse markii uu saldhiga tagay waxaa xirnaa oobigii dacwada lagu qori lahaa, waxaana loo sheegey in la xirayo, isagana inta diidey ayuu saldhiga ka baxay.
Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, askar ka tirsan saldhiga ayaa macalinka toogasho ku dishey markii uu ka tagay saldhiga oo uu sii socdo.
Aaskiisa ayaa waxaa ka qeybagalay dad aad u farobadan oo ay ardaydiisa ka mid ahayd. Dilalka ka dhaca Kismaayo waa kuwa soo kordhayay maalmahani, todobaadkii lasoo dhaafay oo kaliya illaa afar qof ayaa lagu diley magaalada, dadka la dileyna waxaa ka mid ah 3 askarta ka tirsan.
Macalin Maleele waxa uu rajo mustaqbal wanaagsan ah u yeeley boqolaal dhalinyaro oo reer Kismaayo ah kuwaasoo mustaqbalkooda uu mugdi galay dagaalada sokeeye ee dalka halakeeyey dartood. Kismaayo waxa kaliya ee muddo sanooyin ah ka jirey waxa ay ahaayeen dagaalo iyo askaraynta dhalinyarada, laakiin macalin Maleele waxa uu dhalinta ku baraarujin jirey waxbarashada, isagoo xitaa kuwa iska bixin waaya lacagta qaarkood lacag la’aan wax ku bari jirey.
Waxaa intaasi u dheereyd in dadka magaalada uu daweyn jirey, isagoo sheeybaarkiisa ku baari jirey cudurada.
Xigasho: KismaayoNews.com
Figradihiina