Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 27 (Ceegaag)— Baarlamaanka Jubbaland ayaa maanta mar kale u sameeyay waqti kordhin muddo 45 cisho ah, si uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku soo dhiso Golaha Wasiirada.
Kulan deg deg ahaa oo uu Baarlamaanka Jubbaland ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ku asnxiyeen codsi ka yimid Madaxweynaha Jubbaland, waxaana 56 oo soo xaadiray kulanka ay 50 ka mid ay ansixiyeen waqti kordhinka, halka 5 xildhibaan ay diideen.
Madaxweynaha Axmed Madoobe muddo sideed bilood ah maamulkiisa gole xukuumad la’aan, marka laga reebo wasiiro wali si KMG ah u shaqeynayay oo ka mid ah kuwii hore.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha uu dib ugu dhacayo magacaabida Golaha Wasiirada ayaa la xiriirtay khilaaf iyo mucarado uga imaanayay qabaa’ilada kale, waxaana muddooyinkii u dambeeyay uu dib u heshiisiin uu ka dhex waday dhinacyada ka soo horjeeday maamulkiisa.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa heshiis la saxiixday siyaasiyiinta ka soo jeeday Gobolka Gedo, kuwaasoo horay u diidanaa maamulkiisa, waxaana heshiiskan lagu wadaa inuu horseedo in golaha wasiirada uu soo xulayo lagu soo daro xubnaha ka mid ah siyaasiyiintii ka soo horjeeday.
Waqti kordhin loo sameeyay madaxweynaha Jubbaland ayaa ah markii saddexaad, tan iyo markii dib loo doortay sanadkii hore.
Ceegaag.com
Figradihiina