Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 9(Ceegaag)–Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa usoo jeediyey Puntland iney aqoonsato maamulka Galmudug ayna Galmudug qudhoodu Ixtiraamto Puntland maadaama uu yahay maamul ka horeeyey iyaga.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkan ka sheegay heshiiskii colaadii Gaalkacyo ka dib ayaa sheegay Puntland laga doonayo in maamul kasta oo dhasha gadaasheeda gardaadiso.
”Puntland waa maamul-gobaleedkii ugu horreeyay 18-sanno ayna jirtaa, marka waxaa laga rabaa inay maamul kasta oo dhashay gadaasheeda inay gardaadiso oo horumarkooda ay ka shaqeys”ayuu yiri
Axmed Madoobe ayaa u soo Jeediyey maamulka Galmudug in uu la shaqeeyo Puntland maadaama ay yihiin walaalo iyo deris lana shaqeeyaan.
”Puntland iyadana waxaa khasab ku ah inay aqoonsato maamulka ay dariska yihiin ee Galmdug; lana shaqeynayaan oo aysan iska indho-tirin jirtaanka Galmudug”ayuu yiri Madoobe
Madaxweynaha Jubbaland oo kamid ahaa Ergooyinkii Nabadeynta u tagay Gaalkacyo ayaa tilmaamay in si hoose loo dhameeyey Colaadii ka dhex taagneyn maamulkiisa iyo kan Koonfur-galbeed.
”Waxaan filayaa maamulka Jubbaland ayaa ugu badneyd waxa hadda la jiid-jiido, waanan kasoo gudubnay, waa dhaweyd Shariifka ayaa wax naga sheeganayay; isagana hoos baan uga heshiinnay wixii khilaaf ah ee inoo dhexeeyay”ayuu yiri
Si kastaba maamulka Puntland ayaa marar badan u sheegay ineysan aqoosan doonin maamulka Galmudug ,waxaana 2-dii bishan oo la isu keenaya Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay heshiis ku gaareen Gaalkacyo
Ceegaag.com
Figradihiina