Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Janaayo 30 (Ceegaag)— Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay ku fashilmeen in muddo saddex bilood ay gaaraan go’aan, taasna ay keentay in Beesha Caalamka ay wax u yeeriso, go’aankii dowladda Federaalkana ay ku raacdo.
“Waxaa nala yiri Saddex bilood ayaa la idinka sugayay Caalamka oo dhan naga sugayay inaan go’aan gaarno, waxaa dhahnay waa fashilanay, dadka waxay na moodayeen ma nihi ceebna ma ahan, markii aan keeni weynay waxaa nala yiri waa la idin talinayaa, ka bacdi waxay noqotay in dowladda Federaalka la yiri go;aan keena, Beesha Caalamkana waxay tiri waxaa qaadaneynaa go’aanka dowladda gaarto”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in markii hore ay u cuntami weysay go’aan ay keeneen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay u sheegeen in aanu aheyn kii loo soo dhiibay, balse ay natiijada ugu dambeysa noqotay in Ra’iisul Wasaaraha wixii uu keenay la qaato.
“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay keeneen qaab, nooma cuntameyn, waxaa niri maya, kii naloo soo dhiibay ma ahan, qolada aan ka soconay waxaas ma ogola, waxay noqotay natiijada u dambeysay in Ra’iisul Wasaaraha soo fariisno, waxaa qaadan sidaas, mana aheyn waxa aan soo jeedinay, Beesha Caalamkana oo aan u naqaano beesha Lixaad waxay tiri kaasaa taageereynaa, isaga raceynaa, mar hadaa fashilanteen”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Waxaa uu sheegay in labadii aragti ee ay wateen aan midna la qaadan, isla markaana ay noqotay in wax loo yeeriyay, maadaama ay talo keeni waayeen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aankaas fulinteeda laga rabo dowladda Federaalka, isagoo xusay in dhowaan ka sugeynaa qancinteeda iyo in deegaanada gobolada dalka ay gaaraan Mas’uuliyiin ka socota dowladda.
“Wixii aan ku fashilanay inaan qirano, waxaa qaban weynay aan sheegno, umadda yeyna jajuubin, bahasha hadaa oran waayo kac weeye, kanna waxba kama jiraan, midkaan waxba kama jiro, hadaa igu kacdaan kaalay booska qof u soo yeesha, mid kale oo aan fashilmeyn keensada”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta Soomaalida inay la yimaadaan isu tanaasuli, lana ilaaliyo Soomaalinimada, isagoo xusay inay muhiim tahay in la qirto wixii lagu fashilmay, wixii la qaban waayana la sheego.
Ceegaag.com
Figradihiina