Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka Federaalka oo iska fogeeyay eedeymo ka yimid maamulka Somaliland

axad, May 31, 2015 (Ceegaag) -Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeeyay eedeymo ka yimid maamulka Somaliland, kuna saabsanaa lacago loogu deeqay qaxootiga Yemen oo la musuqmaasuqay, isagoona sheegay in arrintaasi aanu waxba ka ogeyn balse ay fiicnaan lahayd inay ogaadaan haddiiba ay jiraan eedeymahaasi.
Guddoomiye K/Xigeenka guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo Muqdisho ku sugan una waramayay warbaahinta gudaha waxa uu shaaca ka qaaday arrimo badan oo ku saabsan xiisadda ka dhalatay tallaabadii maamulka Somaliland uu ku kala faquuqay qaxootiga Soomaalida ah ee soo gaaray Dekedda Berbera.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan isla markaana tallaabo dhinaca wanaagga ah loo qaaday ay tahay maamulka Somaliland oo ka laabtay go’aankii uu ku diiday in degaanadiisa laga soo dejiyo qaxootiga Yemen.
“Haddiiba maamulka Somaliland ogolaaday inay qaataan doorkooda u gargaarida dadka Soomaaliyeed Yemen ka soo qaxaya waan soo dhoweyneynaa” ayuu yiri Xildhibaan prof- Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay inaan laga xigin walaalahooda ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyinka dagaalada Yemen ka socda.
Guddoomiye K/Xigeenka arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa kale oo uu sheegay in muwaadinka Soomaaliga ah ee dalkiisa jooga aan loogu yeerin “Qaxooti”, sida ay horay uga dhawaajiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.
“Ma qabo fikirka ah in qaxooti loogu yeero Soomaalida dalkooda ku soo noqonaya muddo ka badan saddex bilood” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo sheegay in muwaadiniinta dalkooda ku soo laabtay aan xeryo looga sameynin sida Yemen oo kale, balse loo baahan yahay inay dadkooda ka mid noqdaan kaddib marka ay ka baaba’do diiftii iyo dhibaatadii ka soo gaartay mudadii ay badda ku soo jireen.
c/naasir yuusuf
ceegaag muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply