Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir gudoominayay kulanka ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada inay muhiim tahay in waajibka saaran ka soo dhalaalaan.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay qorshaha istiraatiijiyada Baarlamaanka afarta sano ee soo socota, iyadoo Mudanayaasha Baarlamaanka ay ku soo aqrisan doonaan saddex cisho, kadibna ay ansixin doonaan.
Intii ay socotay doodaha iyo aragtiyada ay soo gudbinayeen Xildhibaanada ayaa waxay ka codsadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka in labo cisho gudahood lagu soo horkeeno Ra’iisul Wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shir-doon Saacid.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka codsan doono in labada maalmood ee soo socota lagu horkeeno Baarlamaanka Ra’iisul Wsaaaraha cusub.
Xildhibaanada ayaa sheegay in sharci tahay in Ra’iisul Wasaaraha la horkeeno si loo ansixiyo, iyadoo Xildhibaanada ay isla dhex marayeen aragtiyo la xiriirta in marka ugu horeysa la horkeeno Ra’iisul Wasaaraha, kadibna Golihiisa Wasiirada, balse arrinta la hadal haayo ay tahay in isku mar Baarlamaanka loo horgeyn doono Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada.
Kulanka Baarlamaanka ayaa ku furmay 202 Kooram, iyadoo markii dambe ay ku soo biireen Xildhibaano kale, waxaana Gudoonka Baarlamaanka uu sheegay in Xildhibaanada ka maqnaa fadhiga loo qeybin doono qoraalada.
Figradihiina