Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ka hor inta aan la ansixin Golaha Wasiiradda ayaa waxaa xarunta baarlamaanka gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dalbaday Baarlmaanka in ay codka Kalsoonida siiyaan Golaha Wasiiradda cusub.
Intaasi ka dib ayaa waxaa cod loo qaaday in Golaha Baarlmaanka ay raali ka yihiin in la horkeeno Golaha Wasiirada iyadoona inta badan Golaha Baarlaamka u codeeyeen in Golaha Wasiirada la horkeeno maadaama qod dastuurka ka mid ah uu sheegayo in mar qura la keeno xukuumadda oo dhameeystiran.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kadib gaaray xarunta baarlamaanka ayaa ka hor aqriyay barnaamijka xukuumadiisa, isagoo sheegay in xukuumadiisa ay xooga saari doonto, ammaanka gudaha, siyaasada dibada, dhaqaalaha dalka, iyo sidii xukuumadiisa ay nidaam iyo kala dambeyn ugu soo rogi laheyd dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu aqrinayay barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadiisa waxaa uu mid mid u yeerinayay magacyada 10-ka wasiir, iyadoo marka uu wasiir walba magaciisa sheego ay u sacba tumayeen xildhibaanada baarlamaanka.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa kadib guda galay in cod gacan taag ah u qaadaan Golaha Wasiirada cusub,waxaana xaadir ahaa fadhiga maanta 225 Mudane, waxaana codka kalsoonida siiyey Golaha Wasiiradda 219 Mudane, 3 ayaa diiday, seddexna waa ka aamustay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa kadib ku dhawaaqay natiijada codka, iyadoo Gudoomiyuhu uu sheegay inay xukuumada ay ansax tahay, wixii maanta ka dambeeya ay howl geli karto.
Kalsoonida ay heshay xukuumada ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo horay ay dood ka jirtay qaabka kalsoonida loo siinayo, iyadoo aan la soo dhameystirin, waxaana tani ay noqoneysa tijaabadii u horeysay uu ka gudbay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Xukuumadan oo ah 10-wasiir ayaa ah tii u horeysay oo tiro yar oo ay yeelato Soomaaliya, iyadoo labo ka mid ah ay yihiin haween.
Figradihiina