Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Banaan baxyo balaaran oo lagu taageerayo joogitaanka ciidanka Kenya oo ka dhacay deegaanada Jubooyinka( DAAWO Cajalda +Sawirada)

Dibad baxaan ballaaran oo lagu taageerayay Joogitaanka Ciidamada Kenya
ee deegaanada Jubbaland islamarkasana looga soo horjeeday inay
ciidamada Kenya ka baxaan deegaanada gobbolada Jubbooyinka oo uu soo
qaban qaabiyay Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu manata ka dhacay
guddaha magalada Kismaayo, waxaana dibad baxaan oo ahaa mid ballan ka
qeyb qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada
Kismaayo kuwaasoo socod dheer oo ay ku soo mareen wadooyinka waaweyn
ee magaalada Kismaayo isugu soo arooray garoonka kubadda cagta ee
magaalada Kismaayo halkaasoo ay dibad baxayaashu kula hadleen
masuulyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.
Dibad baxaan ayaa sida la sheegay ka dambeeyay kadib warar soo baxaya
oo sheegaya inay Ciidamada Kenya ka bixi doonaan deegaanada Jubbaland,

Dadka dibad baxayay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo
lagu taageerayo joogitaanka Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee
Jubbooyinka iyo Gedo, iyagoo sidoo kale dibad baxayaashu ay wateen
sawiradda madaxda Maamulka Jubbaland, madaxweynaha dowlada federa
Somaliya, iyo sawirada madaxda KENYA Iyo Itoobiya.

Qaar kamid ah dibada baxayaasha oo isgu jira qeybaha kala duwan ee
bulshada ayaa ka hadlay sababta ay u dibad baxaan u
dhigayaan.

Intaasi kadib waxaa dadweyanaha fagaaraha Isbartiibada Waamo ee
magaalada Kismaayo kula hadlay wasiirka Arrimaha bulshada macallin
maxamed ibraahim, wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga Maxamed Warsame
Darwiish iyo madaxwetne ku xigeynka 2aad ee maamulka Jubbaland Cqaadir
Lugadheere.

Intii uu socday dibad baxaan waxaa la xiray xarumihihii ganacsiga iyo
waxbarashada ee magaalada, ayadoo amaankana ay aad u adkeeyeen
ciidamada amaanka Jubbaland..

Sikastaba, wararkaan ku aadan in Ciidamada Kenya ay ka baxayaan
deegaanada jubbaland ayaanan lagaraneynin meesha uu ka soo yeeray iyo
cidda uu ka soo yeray, hasayeeshees waxaa xusid mudan in Ciidamada
Kenya ay gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya 16 bishii October ee
sanadkii 2011- kii kadib markii ay Kenya sheegtay inay baaxsaneyno Al
shabaab oo ay Kenya sheegtay inay khal khal ku hayeen amaanka
dalkeena, waxaana dood dheer kadib la isla ogalaaay in Ciidamada Kenya
ay kamid noqdaan Ciidamada AMISOM.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online

Kismaayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply