Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Banaanbax ruxay Magaalada Baladweyn iyo Sawirka Wasiir Odawaa oo Toos loo gubay.

October 31 (Ceegaag)– Bananbax looga soo horjeedo Magacaabista Guddiga Farsamada Maamul u sameeynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.
Banaanbax ayaa waxaa ka qeyb galay Odayasha dhaqanka,Waxgaradka Gobolka,dhalinyaro,Haween,Siyaasiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku dhaqan Magaalada Baladweyne.
Dibabaxayasha ayaa Gubay Sawirka Wasiirka Ariimaha Guudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo ay ku eedeyn in uu iska horkeenayo Bulshada ku dhaqan Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe kadib markii uu magacabay guddi ka kooban 14 Xubnood oo hareer marsan Ballantii aheyd in Guddidiga ahaado 31 Xubnood.
Siyaasiinta iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay Xildhibaannada Wasiirada iyo Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolka Hiiraan in ay yimada Magaalada Baladweyne si looga tashado Aayaha Gobolka Hiiraan waxan ay sheeagen in ay ka laaban doonaan isku darka Maamulka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe islamarkana ay Dadka Reer Hiiraan ay sameeysan doonaan Maamul u gaar ah Gobolka Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee Banaanbaxaan ayaa ku soo aadayo xilli Magaalada Muqdisho wasaaradda arimaha Gudaha ay kaga dhaawaaqday Guddiga farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,waxaana islamarkiiba ka horyimid Mucaaradad aad u weyn.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply