Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Banaanbax looga soo horjeedo muddo kororsiga uu doonayo inuu sameysto madaxweyne Faroole ayaa maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Galkacyo, iyadoo Ciidamada amaanka ay kala eryeen dibad baxayaasha.
Wararka magaalada Galkacyo ayaa sheegay in dadka banaanbaxa dhigaya ay iskood isugu soo baxeen wadooyinka iyo xaafadaha, iyagoo ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah maamulka Faroole oo ay ku tilmaameen mid keli talis ah. Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhowr ruux oo ka mid ahaa dibad baxayaasha, iyadoo ay kala ceyriyeen dadweynihii kale, waxaana saraakiisha ammaanka ku tilmaameen banaan baxan inay soo abaabuleen kooxo ka soo horjeeda masiirka Puntland. Banaan baxyaasha ayaa ka soo horjeeday xarig ciidamada Madaxtooyada Garowe habeen hore u geysteen odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Mudug, kuwaasoo dhowaan Garowe u tagay sidii ay u xalin lahaayeen khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Puntland.
Xaafadaha qaar ayaa waxaa ka socda banaan baxyo gooni gooni ah oo dadka iskood meelaha u socda, waxaana ciidamada ay isku dayayaan inay kala eryaan banaan baxyaasha, iyagoo rasaas cirka ugu ridaya. Maamulka Puntland ee hada jira ayay 8-da bisha Janaayo ugu egtahay waqtiga, iyadoo uu faroole ku doodayo in muddo sanad ah uu xilka ku kordhisto. Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland oo qaarkood u badan musharaxiin ayaa ka biya diidsan in xilligan muddo kororsi uu sameysto Faroole, waxaana ay ka hanjabayaan inuu mudo kordhintaas ka dhalankarto qalalaaso iyo fowdo.
Dhinaca kale Waxaa Wali xabsiga Wayn ee Magaalada Garowe ku Xidh Xidhan odayaal dhaqameed ka soo Jeeda Gobolka Mudug oo Madaxwayne Faroole amar ku bixiyey in Xabsiga loo Taxaabo kadib Markii ay Magaalada Garowe ku Qabteen Shirar looga soo Horjeedo xukuumadiisa.
Cali Dhagjar
Figradihiina