Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxa aynu ahayn bulsho ku tookhda halabuurka maansada, oo waa waxa na loogu baxshay, “Umaddii Maansada.” Ma aynaan lahaan jirin faro wax lagu qoro oo baahsan. Taas ayaana qasbaysay in gabayaageennu qaybo tixihiisa. Badanaa na dhawr qof oo ka ag dhaw baa u qaban jiray meerisyada uu golayaasha kaga dayaami jiray. Meel walba oo uu istaago, oo arrin iyo aroos loo joogo, waa uu ka gabyi ogaa. Marka la daaliyo waxa uu odhan jiray, sidii Timacadde:
Danba uma lahayn gabaye waan, la iga daynayne
Hadba aniga oo dayriyaa, lay danqarayaaye
Markaasaan dagnaan uma hadlee, damaqsanaayaaye
Ummaddii qoraalka
Waa tii lagu guulaystay, 1972ii, in la hirgaliyo farta aynu maanta wax ku qoraynno. Ololayaasha fartan lagu barayay dadka Soomaaliyeed waxaa ugu muc weynaa buugaag-qoristii baaxadda lahayd, ee lagu qoray manhajka waxbarashada—waliba na suugaan tasoobi lahayd lagu dhaxalsiiyay jiilasheennan maanta. Diiwaanka Gabayada Sayidka, Qaamuuska af-Soomaaliga ee Yaasiin C. Keenadiid iyo sheekooyin ay ka mid tahay Aqoondarro waa u Nacab Jacayl ayaa dadweynaha gaadhay, oo ay mahadiyeen.
Dhanka kale, aqoon baadhistu cirkaas ayay isku shareertay. Afar sano oo fartan la maalayay waxaa lagu dejiyay aqoonta miisaanka maansada, oo si taxane ah uu Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ugu soo bandhigayay wargeyskii Xiddigta Oktoobar. Isla aqoontan muddo bilo ah ka dib waa tii uu buuni Carraale ka soo saaray buugga, Gorfaynta Gabayga. Siddeetannadii na waxaa ba soo baxay buugga, Suugaanta Geela, oo uu qoraha Axmed Cali Abokor nagu tusay heerka ugu sarreeya ee ay aqoon baadhistu gaadhi karto.
Illaa laga soo gaadhayo dabayaaqadii siddeetanaadka waxaa soo baxay qoraallo badan. Dhambaallo badan ayaa la isu soo diray, oo dadkii magaalooyinka kobcayay ku kala baaday isu soo dhoweeyay. Farriimo badan ayaa wargeysyada la isugu soo qoray. Doodo cuddoonna qalinkaa lagu duugay. Labo tobanle (decade) gudahood waxa aynu ku noqonnay ummaddii qoraalka. Taas waxaa barbar taagnaa in sida badan qoraalku tayaysnaa. Oo tira badnidiisa awgeed waxa uu ahaa qoraal kala miirmay.
Maxaa ka dambeeyay?
Dagaalladii sokeeye daarihii ku burburay waxaa ka darnaa dadaalladii aqooneed ee ku kala go’ay. Aqoontii wax lagu qori jiray waa ay iilatay, oo waxaa isku gudbay jahli. Dad badan oo aan sidii qorayaashii hore u soo dhafrin, waxna u soo baadhin, ayaa qalinka wada qaatay. Dacaayadihii dagaallada sokeeye ka dhashay ayaa laab kiciyay, oo ay qoraalkiiba mawduuc ahaan ku soo ururiyeen. Dadkii wax qori jiray, ee ka baxay dagaalladaas, qalimadii ayaa ka khad beelay. Tayadii qoraalku na sidaas ayay ku hagaastay.
Maanta ayaad mooddaa in dib loo baraarugay. Gude iyo dibad ba waxaa lagu soo bandhigaa buugaag aan tiro yarayn. Gaar ahaan, sannad walba waxaa la qoondeeyay bandhigyo buugaageed, oo ay Hargeysi calanka u siddo. Muqdishaa ku dayatay. Garoowe na kalkan way iskeentay. Magaalooyin badan baa ku dabo jira. Dad in muddo ah haraaddanaa ayaad mooddaa in mayayga qoraaleedi qooyay. Wax se aynu wali qaadnay waa uun tallaabadii ugu hoosaysay ee qoraalku innaga mudnaa.
Bandhigyada maanta
Bandhigyada buugaagta, ee sanadahan dambe dalka gudihiisa ka qabsooma, waxa ay xoogga saaraan akhriska. Waxaa la isu keenaa qorayaal dhegaystayaasha uga faallooda buugaagta ay qoreen. Buugaagta u badan ee la soo bandhigo na waxaa qorta dhalinyaro qoraal barad ah, oo buugaag ay akhriyeen ka dib qalimmada qaatay. Sidaas oo ay tahay haddana bandhigyadan laga ma dhex waayo buugaag aqooneed oo khibrad iyo aqoon baadhis mug leh lagu qoray; in la wada akhriyo na mudan.
Ummad waxaa qoraalkeeda lagu qiimeeyaa sawirrada iyo khibradaha ay dunida ku soo biiriso. Waa na hawl gudashadeedu ay u taallo inta ugu khibradaha badan iyo inta ugu aftahansan ee ummaddaas. Haddii aynan dadka noocaas ihi ku baraarugin qiimaha qoraalka oo ay uun wali hadlayaan, sida aynu u badan nahay, dheelli ba’an baa jira. Bandhigyada buugaagtu dheelligan ku ma saari karaan raadinta buugaag la qoray, balse waa in ay isku xidhaan inta hibada u leh qoraalka iyo maskaxaha khibraduhu ceegaagaan ee aan wax qorin.
Talo bixin
Maammulayaasha bandhigyada buugaagtu waa in ay dhiirigeliyaan abuurista naadiyo ay isku bahaystaan xidaarro (aqoonyahanno) qiimeeya hufnaanta iyo waxtarka mawduuca buug walba oo la soo bandhigayo. Xidaarradani na waa in ay dejiyaan hagayaal qoraha cusub kala talinaya waxyaalaha uu ka dhawrsan karo, ee tayo ridaya qoraalkiisa. Inta laga niib keenayo talooyinkan waxa aynu isku sii maaweelin karnaa in aan xoqxoqnay boogo loo baahnaa in mar hore la dhayo.
W/Q: Idiris M. Cali
Dhanjac: idiris.m.cali@gmail.com
You must be logged in to post a comment.
Pingback: Bandhigyada buugaagta: Boogo la xoqxoqay – Warsidaha B A D S O
Pingback: Bandhigyada buugaagta | Heeshi
Pingback: Bandhigyada buugaagta: Boogo la xoqxoqay – BADSO