Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
September 7 (Ceegaag)— Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa digniin ka soo saaray Lacago Shiling Soomaali ah been abuur ah, kaasoo la soo daabacay, waxaana uu ka digay in lacagahaas hadii suuqa ay soo gasho inuu abuuri karo qal qal dhaqaale.
War saxaafadeed ka soo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in nooca lacagta Shilinga Soomaaliga oo ah Kunka Shiling oo laga sameeyay waraaq qafiif ah, isla markaana Nambarkeedu ka bilowdo B.
Bankiga ayaa uga digay Sariflayaasha lacagaha in aysan ogolaan isticmaalka lacagta Been abuurka ah, sidoo kale waxaa la faray Ganacsatada iyo Xoolaleyda in aan xoolahooda looga bedelin lacagaha been abuurka.
Waxaa kaloo Bankigu uu faray Laamaha ammaanka dowladda inay daba gal ku sameyso cida isticmaasha lacaga iyo meelaha laga soo daabacay.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo 5-tii bishan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland in deegaanada uu ka arimiyo laga soo daabaco lacagaha been abuurka
Walaaca ugu weyn ayaa ah in lacagahan Shiling Soomaaliga been abuurka ay dalka ku keento sicir barar aad u xoogan oo saameyn ku yeesha nolosha dadka Soomaaliyeed oo haatan dabaqadooda ay noqotay mid sare iyo mid hoose kaliya.
Ceegaag-muqdisho
Figradihiina