Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Barakacayaasha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa maanta bilaabay olole nadaafadeed oo iskaa wax u qabso ah, kaasoo ay ka fulinayeen nawaaxiga kaamamka ay ku noolyihiin ee magaalada Kismaayo.
Gudoomiyaha barakacayaasha Jubooyinka Nuur Cumar Faarax oo isagu soo abaabulayay ololahan nadaafadeed ayaa ku booriyay barakacayaasha in ay nadiifiyaan qashinka yaal nawaaxiga goobaha ay ku noolyihiin si ay uga hortagaan cudurrada faafa ee ka dhasha qashinka.
Gudoomiye ku xigeenka barakacayaasha Jubooyinka Axmed Gudhuu oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ololahan nadaafadeed ee ay maanta ka bilaabeen magaalada Kismaayo asagoona sheegay in ay sii wadidoona ilaa qashinka uu ka yaroodo magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose.
Qaar kamid ah dadka barakacayaasha oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay ololaha nadaafadeed ee ay ka bilaabeen magaalada, iyagoo ka codsaday hay’adaha samafalka iyo qurbajoogta in ay ka caawiyaan howlaha ay maanta bilaabeen kismaayo .
Ololahan nadaafadeed ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu gudo jiro xilliga Gu’a oo ay aalaaba roobab ka curtain gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag Online
Xafiiska wararka kismaayo
Figradihiina