Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ceegaag Oct 07, 2015: Boston..Barnaamij Bile ah oo lagaga nasto falanqaynta siyaasada Soomaaliya ayaa waxa uu ka bilowday Bishii hore Madhasha 60ka, waxaana judhiiba ku guulaystay fanaaniintii ka socotay Maamulka Khaatumo State. Hadaba markii bishan laysugu soo laabtay goobta ayaa waxaa isugu yimid sideeda maamul goboleed ee Soomaaliya sida Khaatumo State, Awdal State, Puntland, Galmudug, Koonfur-Galbeed, Jubaland, Somaliland iyo Maakhirland.
Barnaamijka Heesha Hirgalay ayaa waxaa maxaakim ka ahaa Mu’alif Fu’aad Macalin, Fanaan Waabari iyo Xaaskiisa Shaafiya, waxaana isku dubariday Geele. (Dhagayso furitaanka Barnaamijka Heesaha Hirgalay ee bilaha ah ee madasha 60ka). Barnaamijka ayaa ahaa mid fara cidi leh ay guushu ku raacday Fanaaniintii ka socotay Maakhirland hadaba nala dhagaysta sida uu u dhacay tartankan aan horay noociisa loogu maqal madalayaasha masrax siyaasadeedka.
Heesaha Tartanka waxaa kala qaaday fanaaniinta madasha lagu naaneeso /Riix si aad u dhagaysato
1. Wadani-Maakhir1 Tuulo-Dibi Puntland1
2. Caamir-Maakhir2 Ladane-Puntland2
3. Biikalo-Maakhir3 Samsam-Puntland3
4. Fiska-Maakhir4 Ladane-Puntland4
5. Dalmar iyo Fiska Maakhir5 Kabtanka iyo Shamis Puntland5
6. Bureeqo-Maakhir6 Nasiim-Puntland6
7. DJ-Maakhir7 Nusime-Puntland7
8. Jidhiidhico-Maakhir8 Ladane-Puntland8
9. Fiska-Maakhir9 Faras-Puntland9
10. Bureeqo-Maakhir10 Saxeexii Kabtanka-Puntland10
Kadib tartankaa dheer ayaa waxaa go’aanka ku dhawaaqay hawlwadeenada Madasha siiba Garyaqaan waxaana go’aankaa ansixiyay maxaakimta barnaamijka waxayna u dhacday sidatan ee dhagayso Go’aankii guushu ku raacday Maakhirland.
Waxaa mahadcelinta usameeyay kooxda matalasay Maakhirland Darwiish oo u balanqaaday dhagaystayaasha inay siin doonaan cidii u baahan aalada dhagaha lagaga dhagaysto talafoonada ee afka qalaad lagu yiraahdo ‘Bluetooth’, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa Mahad celintii reer Maakhir by Darwiish.
Xuseen Fiin
Boston
Figradihiina