Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa ka soo horjeestay dadaaladii dib u heshiisiinta ee uu ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu ka wado magaalada Kismaayo isagoo ku goodiyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro maamulka KMG ee Jubbaland .
Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay Col. Hiiraale in magaalada Kismaayo uu ka jiro midab takoor islamarkaana uusan ogalaanayn in uu kismaayo ku soo galo dib u heshiinsiin dhexmaartay Beelaha wada daga Jubooyinka iyo Gado.
“Inaan wada-hadal la galo maamulka la yiraahdo Jubba iska daaye, marna ma aqoonsan doonno, waxaan la geli doonaa dagaal,” ayuu yiri Col. Hiiraale.
Col. Hiiraale ayaa ku tilmaamay booqashada ra’iisul wasaare C/weli Sheekh inay tahay mid aysan filayn oo nasiib-darro ah.
“Waa nasiib-darro weyn safarka uu ra’iisul wasaaruhu ku tagay Kismaayo oo uu marti ugu noqday dhinac, isagoo dalka ka ah madax, anagana dagaalka waanu sii wadaynaa mana joojinayno illaa dadka reer Kismaayo xoriyad ka helaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ra’iisul wasaaraha Somalia uu wado dadaallo uu isugu keenayo dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo sannadkii hore iyo sidii loogu celin lahaa Kismaayo ciidamadii ku sugnaa duleedka magaalada.
Dhanka kale Ra’isul wasaaraha dalka soomaaliya c/wali sheikh ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaarada ee magaalada kismaayo asagoona ku sii jeeda magaala Madaxada Dalka Somalia.
Ceegaag Online
Xafiiska wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina