Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Bashiir Xaaji Cali Musharaxa Madaxwaynaha Soomaaliya 2021 oo balan qaaday inuu dib u dardar galin doono xornimo gaadhsiita deegaanada ku maqan dalalka dariska

Bashiir waxa uu ka shaqeenayay danaha dadwaynaha 25kii sano ee tagay, kadib markii ay u cadaatay in dhibaatooyinkii haystay Soomaalida 25 sano ka hor ay wali haystaan dadka kasoo boqoolaya Soomaaliya qaxooti ahaana u imanaya dalka Canada ayuu go’aansaday inuu dib ugu noqdo Soomaaliya waxna ka badalo xaalada halkaa sida uu noo sheegay waraysi aan goordhawayd ka qaadnay.

Mar aan wax ka waydiinay waxa ugu daran ee uu doonaya inuu wax ka qabto ayaa waxa uu ku sheegay dhinaca Soomaalida Qurbaha…

  1. Waxaan wax ka qabanayaa dhalinta Soomaaliyeed ee qurbaha balwadaha ku bartay siiba dhibaatada ay ku hayaan waalidiinta. Anigoo u samayndoona xerooyin dhaqn celin ah dalka gudiihiisa.
  2. Waxaan wax ka qabanayaa Afsoomaali ku hadal la’aanta dhalinta ku dhalatay qurbaha oo waxaan u samenayaa barnaamijyo ay ugu xagaa baxaan dalkeena Soomaaliya.
  3. Waxaan hanti abuur u sameenayaa ganacsada si ay wax uga qabtaan shaqo la’aanta ku habsatay dhalinta dalka gudihiisa ku sugan.
  4. Waxaan abuurayaa hab ay dhalinta cidii daneenasa wax uga soo bartaan dibadaha amaba si sharciya ugu shaqo tagaan siiba wadamada reer galbeedka.

Qodobadan iyo kuwo kale oo badan oo warysiga la xidhiidha filo goor dhaw hadana nala daawo qayb ka mid qudbadiisii uu ku shaaciyay musharaxnimadiisa.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply