Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Odoyaasha beelaha Sade iyo Kablalax ayaa shir ay maanta ku yeesheen magaalada Kismaayo waxa ay kasoo saareen war murtiyeed ka kooban qodobo dhowr ah, iyagoo sheegay in ay ku heshiiyeen in si wadajir ah ay uga wada shaqeeyaan nabadda islamarkaana iska cafiyaan waxyaalihii hore u dhexmaray.
Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay guddi uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya u xilsaaray arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa waxa kazoo qeybgalay, nabadoonno, siyaasiyiin, odoyaal iyo waxgarad kale, waxaana looga wadahadlay sidii beelaha dega Jubooyinka ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabadda.
Shirka intii uu socday ayay odoyaashii soo xaadiray waxa ay xabadka isu galiyeen mid mid, iyagoo sheegay in maanta laga bilaabo ay qaateen nabadda islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sii nabadda ay isla qaateen ay u gaarsiin lahaayeen guud ahaan shacabaka ku dhaqan Jubooyinka.
Ugaas Cumar Xiireey oo kamid ahaa ugaasyadii goobta ka hadlay ayaa sheegay in maanta lasoo afjaray xurguftii u dhexeeysay beelaha walaalaha ah ee wada dega Jubooyinka, wuxuuna xusay in ay ku heshiiyeen in la taageero nabadda islamarkaana shacabka loogu baaqo in ay iyaguna nabadda qaataan.
Sidoo kale dadkii goobta ka hadlay waxaa kamid ahaa Afhayeenka beesha Sade ee Jubooyinka Nabadoon Cabdi Warsame Gurux, wuxuuna sheegay in maanta lagu guuleystay in la dhameeyo khilaafkii u dhexeeyay beelaha Kablalax iyo Sade, isagoo sheegay in lagu heshiiyay in nabadda la dardargeliyo islamarkaana lasoo xareeyo ciidamada uu hMogaamiyo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) ee ku sugan deegaanka Goobweyn ee duleedka degmada Kismaayo.
Xildhibaan xirow oo kamid ah mudnayaasha baarlamanka Soomaaliya oo isna goobta ka hadlay ayaa ku booriyay beelaha dega Jubooyinka in ay taageeraan nabadda isagoo si gaar ah ugu baaqay qurbajoogta kazoo jeeda gobollada Jubooyinka in ay ka shaqeeyso nabadda iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolladan.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Mudane Max’ed Ismaaciil Shuuriye aha gudoomiyaha gudiga nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubooyinka ee uu magacaabay R’aisul wasaaraha dalka oo gabagabadii goobta ka hadlay ayaa aqriyay warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii maanta, oo ay ugu muhiimsanaayeen qodobada hoos ku xusan:
In la xabada la joojiyo
In la taageero nabadda deegaanada Jubooyinka
In lasoo xareeyo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn
In wixii tabasho ah ee ay kala tabanayaan labada beelood dib looga wada hadli doono
In beelaha kale loogu baaqo nabadda
Shirarkan ay ku wada hadlayaan beelaha wada dega Jubooyinka ayaa la filayaa in ay sii socdaan, iyadoo shirarkani ay gogol xaar u yihiin shirweeyne guud oo dib u heshiisiineed oo la filayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
DAAWO SAWIRRADA:
Ceegaag online
Xafiiska Wararka Kismaayo-Somalia
Figradihiina