Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Laasasurad: Dec 8, 2014 Deegaanka Laasa surad oo waqooyi bari 60km ka xigta magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa maanta weraray maleeshiyaad ka tirsan beesha H/Yoonis balse sida la sheegay dharkii dhigtay kana tirsan maleeshiyaadka maamulka Somaliland. Deegaanka Laasa Surad waa deegaan Xeeb ah waxaana iska leh beelaha SSC gaar ahaan Gahaylle oo ah beel ka mid ah beelaha Harti balse la Gashi ah beesha Dhulbahante ee Gobolka Sanaag ku xoogan.
Weerarkan Dhulbalaadhisga ah ee ay qaadeen maleeshiyaadka Habar yoonis ayaa dabacsocda mid ay todobaadkan horaantiisii ku ekeeyeen deegaanka Dhaabeeda oo ayaduna ka mid ah deeganada Khaatumo ee gobolka Sanaag, shir aybeeshan Habaryoonis yeelatay ay ayey ku go’aansadeen inay gobolka Sanaag boobaan maadama aysan wax deegaan ah ku lahayn deeganada beesha Isaaq ayadoo degmada Burcona horey ay dhaqaalo ahaan, maamul ahaan iyo tayyo ahaanba la wareegeen beesha Habarjeclo oo hada ah beesha ugu tunka weyn beelaha Isaaq.
Deegaankan Laasa Surad wa degaan Xeeb ah oo Istaratiji ah, waana deegan ay ka buuxaan Khayraad fara badan, waana tan keenaysa in dadkii buuraha degana haatan u Hunguroodaan.
Weerarkan ayaa wuxuu dhaliyey in maleeshoyaadkii ka socdey deegaanada Habaryoonis ay hareerayaan deegaankaas Laasa Surad ayadoo dadkii deegaanka ee Gahayluhuna ay hubka qaaten hadana la isku horfadhiyo buur yar oo ku dhaw halkaas.
Dhinaca kale colaadii Dhaabeeda ayaa taagan waxayna keeneen maleeshiyad fara badan oo hoosaasin ah, kuwaasoo loo maleegay qaabkii Kalshalaae waxaana la sheegaya in maleeshiyaadkii laga eryey Dhaabeeda haatan ay soo durkayaan maadama ay heleen gabaad ah maleeshiyaadka isku sheega ciidanka dawladda oo hada deeegaanka kulaalaya. Dhacdooyinkan dhul riixa ah ayaa imaanaya wakhti deeganada Khaatumo qaarkood ay ka jiraan rabshado dhexdooda ah, ayadoo taladuna tahay in gobolka Sanaag laga sifeeyo beesha Dhulbahante iyo kuwa kale ee Harti ee la dega.
xigasho:Afbakayle
Figradihiina