Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Booliska Kenya oo magaalada Nairobi ku qabtay, Suumanka qarxa, Hub iyo Ragg Soomaali (Sawirro)

Booliska dalka Kenya ayaa maanta ku qabtay magaalada Nairobi Hub, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo, iyagoo gacanta ku dhigay labo nin oo Soomaali ah, oo lagu soo eedeeyay inay qaraxaas u isticmaali rabeen weeraro argagixiso.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Eric Kimathi ayaa saxaafada u soo bandhigay, agabyo ka kooban walxo qarxa, oo ay ku jireen fiyuus iyo kuulo, lagu soo xiray Jaakadaha la isku qarxiyo, afar qoriga AK47, iyo rasaas.

Mr Eric Kimathi ayaa sheegay in howl gal xalay ka sameeyeen Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ay ka soo heleen guri ku yaal, ayna ku soo qabteen qalabkan isugu jira hubka, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo.

Booliska ayaa sheegay inay qabteen 6 suun ama jaakadaha la isku qarxiyo, 4 qoryaha AK47, rasaas iyo dhowr bambooyin ah oo ay ururka al-Shabaab ku isticmaali lahaayeen sida ay boolisku sheegeen weerar argagixiso ah oo aad u weyn.

Howl galkan ayaa ku yimid markii Ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee la dagaalanka Argagixisada lagu soo wargeliyay guri lagu hayay walxaha qarxa iyo hubkoodii, iyadoo Booliska rumeysan yahay in weerarkan lagu maaganaa Kaniisadaha dalkaas todobaadkan gudihiis.

Tan iyo markii Kenya ay ciidamo u dirtay Soomaaliya, waxaa isa soo tarayay weeraro qaraxyo ah oo ka dhacayay magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale, kaasoo lagu beegsanayay saldhigyada Booliska, goobaha dadka ku badan yihiin iyo Kaniisadaha.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag