Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

BOQORADA AAN MARNA LA ILLAAWIN EE WARSANGELI SULDANATE” IMPIRE

Warsangali waxaa weeye dadka ugu xadaarad sareeya ummadaha Illaahay abuuray ee Xaawo iyo Aadan kasoo farcamey, haddana Illaahay wuxuu Hadiyad usiiyey dadka Soomaaliyeed, waa Saldano aan dhicin oo liicin,

Waxayna ka taliyaan ama ka talin jirteen deegaano badan oo ka mid ah Bariga Africa. Saldanadani waa midii ugu awooda badneyd ee ka arimisa deegaanada Sool, Bari, Nugaal, iyo Sanaag, waxaana saldhigyadeeda ugu waaweyn ku yaaleen

Gobolka Sanaag iyo dhamaan deegaanada hoos yimaada gobolka Bari. Labada Gobol ee ay Warsangeli leeyihiin waa labada Gobol ee Soomaaliya ugu weyn waana “Bari iyo Sanaag” Saldanada Warsengali waxaa la aassaasay dhamaadkii qarnigii 13aad.

Inta aan jiray dadka aan ka bartay ama aan kala saaxiibay waxay ahaayeen kuwo qani ku ah aqoonta iyo dhaqaalaha, kuwo xishoodka Alle gaar u siiyey, kuwo u dhaqma oo raacay dhaqankii Suldaan

Maxamuud Cali Shire. Mar aan Fasax u aaday Mareykanka waxaan ku arkay Las Vegas, Bankiyo kuyaal oo ay ku qoran yihiin Jibril Banks, waxaana la iisheegay in Qoyska caanka ah ee reer Jibriil iska leeyihiin ee Faatax Garaad.

Sanaag waxay aduunka oo dhan kaga duwan tahay Buuraha caanka ah sida Daallo oo is daba-taxan iyo buuraha Surad. Waxaana la heli karin waa Buuraha Calmadow! Dadka halkaas ku nool ma gaboobaan,

mana xannuunsadaan, Sonkor iyo Dhiikarna kuma dhaco, dadka kunoolna waa dadka ugu quruxda badan ama ka yimaada. Marka aan hadhoow wakhti helo waxaan qalinkaygii dahabiga ahaa ee

khadku ka dhamaan ee Cambar u qaadanayaa dhawr sadar oo ku saabsan Xukunkii Sadanadii Warsangeli iyo waxay dadka dheer yihiin ama kaga duwan yihiin oo maskax walba daalin doonta. Insha Allaah.

SAWIRKU WAA BOQORADA INGIRIISKA OO U XIRAYSA DARAJADA SIR SULDAAN MAXAMUUD CALI SHIRE, WUXUUNA AHAA QOFKII UGU HOREEYEY EE LOO XIRO WAANA MID AY ILLAA HADDA BOQORADU BIXISO.

Bashir Wadani

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply