Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Boqorka Sacuudiga oo la kulmay Madaxweynaha Mareykanka

September 5 (Ceegaag)— Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa magaalada Washington kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Yemen, arrinta Hubka Nuclear-ka Iiraan.
Boqor Salmaan ayaa booqashan u ah tii u horeysay ee uu Mareykanka ku tago tan iyo markii xukunka Boqortooyada uu la wareegay bishii Janaayo, kadib geeridoo Boqor Cabdalla.
Xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid xumaaday, waxaana Mareykanka dalalka Khaliijka uu lahaa xiriir qoto dheer, iyadoo loo arkayay in Sacuudiga ahaa saaxibkiisa koowaad.
Boqor Salmaan ayaa bishii May ee sanadkan ka baaqsaday shir madaxeed uu Madaxweyne Obama ku casuumay Hogaamiyeyaasha Khaliijka.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa u xaqiijiyay Boqor Salmaan in heshiiska Nuclear-ka Iiraan aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin ammaanka Khaliijka iyo in aanay dhiira gelin doonin sameysashada Iiraan ee Hubka wax gumaada.
Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr ayaa wariyeyaasha u sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen arrimaha taagan sida dagaalka Yemen ee Sacuudiga hogaaminayo ee ka dhanka ah Xuutiyiinta uu Mareykanka taageeri doono.
Sidoo kale waxaa dib loo bilaabo doonaa heshiis dhinaca Hubka oo ay Mareykanka iyo Sacuudiga horay u galeen, waxaana heshiiskaas uu ku kici doonaa hal bilyan, iyadoo Mareykanka ka iibinayo Sacuudiga diyaaradaha dagaalka ee F-15.
Ugu dambeyn Mareykanka ayaa u balan qaaday dalalka Khaliijka taageero diblomaasiyadeed iyo dhinac milateri.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply