Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Jimcihii ay bisha Febraayo ahayd 7, sanadkan 2025, waxaa Dhismaha Bolling (ee Xarunta Dugsiyada Dadweynaha Boston) lagu qabtay kulan taariikhi ah oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Massachusetts si heersare ah ugu dhoweeyeen Agaasimaha Waxbarashada ee Dawladda SSC-Khaatumo, Marwo Farduus Ibraahin Cali Shire (Qaranbila). Kulankaas sida quruxda badan leh loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Isimmada, Imaamyada iyo Indheergaradka magaalada Boston.
Samafale Farduus oo kulankaas ka hadashay, islamarkaasna lagu guddoonsiiyay shahaado-sharaf Goboleed oo loogu aqoonsaday waxqabadkeeda mugga leh, ayaa soo bandhigtay mashruuca Xarunta Baxnaaninta Ee Laascaano. Xaruntanina, marka la dhammaystiro dhisme ahaan, waxay noqon doontaa midda ugu weyn ee lagu daryeelo, laguna tababbaro, dadka laxaadka la’.
Dhammaan akhyaartii ka hadashay kulankaas waxay jaaliyadda ku boorriyeen inay si miisaan leh dhaqaale ugu tabarrucaan mashruucaas khayriga ah. Waxayna jaaliyaddu haatan ku gudajirtaa sidii ay dhaqaalahaas uga soo gaarsiin lahaayeen wajiga koobaad ee mashruucaas, oo lagu wado in dhowaan la bilaabo.
Halkan hoose ka daawo muuqaalkii kulankaas:
Waxaa Qoray: Idris Maxamed Cali
Figradihiina