Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cabdirashiid Xasan Aadan oo Maamulka Somaliland u sheegtay inuu masuulka yahay Degmada Boocame

Laascaanood, March 04, 2014 Maamulada Hareeraha ka xiga Maamulka Khaatumo ayaa baryahan si aan gabosho lahayn u cimaamadayay Hogaamiyo dhaqameedo aysan Bulshadu dooranin amaba ay ka xayuubiyeen masiirkii ay umadu u cimaamaday kadib markii ayku baayac mushtareen danihii shacabkana ay ka door bideen tooda gaarka ah. Dhinaca kale Shacabka Maamulka Khaatumo ayaa iyaguna ku mashquulsanaa ‘Ka tashiga Odoyadaa Marada waawayn’ iyo waliba  ridida Hogaamiyo dhaqameedadaa u dhago nuglaada maamulada Hareeraha ka xiga.

Saaka goor hore ayaa duleedka magaalada Laascaanood lagu soo bandhigay Oday magiciisa lagu sheegay Cabdirashiid Xasan Aadan.  Kaa soo ka soo jeeda Degmada Boocame, warar hoose ayaa sheegaya in loogu hanjabay rag ay isku jifo yihiin oo iyagu ku qaraaban jiray waxa loogu yeedho Gaashaanbuurta Baho Nugaaleed in ay beesha Boocame lumindoonaan Kursigooda Hargaysa!! hadii aysan keenin nin beeshaasa oo Ugaas ahaan u matala  Maamulka Somaliland.

Shacabka Khaatumo ayaa haatan isu diyaarinaya Shirka Taleex ee 3aad oo la doonayo in maamul Rasmi ah oo ka madax banaan Maamulda hareeraha iyo Faro galinta Qurbo joogta Dhulbahante ee xidhiidhka hoose laleh Maamulada Hareeraha.

Daawo Odaygan reer Boocame ee aqbalay Kala goynta Dalka Soomaaliya

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply