Calanka Khaatumo: Ha dhicin oo ha dheeliyin
W.Q: Axmed Tabaatiig
Ummad walba oo adduunkan ku dhaqani waxay leedahay calaamad lagu garto oo ka soocda ummadaha kale lagagana garto taas oo ah calankeeda. Dalalka qaar waxay calankooda ku saleeyaan taariikhdii ay soo mareen halka qaar kale ku saleeyaan himiladooda. Waxa iyaguna jira dalal calankoodu ka turjumo halgankii ay u soo mareen gobanimada ay hadda haystaan {taariikh} oo lagu xiriirinayo himiladooda {mustaqbal}.
Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed wuxuu ka turjumayaa himilada ummadda Soomaaliyeed oo dhan oo ah ummad dhulkeedii iyo dadkeedii shan qaybood loo qaybiyay. Alla ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan, hindisihii astaanta calanka Soomaaliya wuxuu dadkii kale ee tartanka la galay kaga guulaystay habka uu usoo bandhigay dareenkii ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka degaan Geeska Afrika dareenkaas oo ahaa inay midnimadoodii soo ceshadaan.
Halgamayaashii Daraawishta ee u badnaa dadka dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaan Maamul Goboleedka Khaatumo halgankoodu waa ka horeeyey calanka uu hindisay Maxamed Cawaale Liibaan laakiin waxay iskaga mid ahaayeen baahida loo qabo midnimo Soomaaliyeed. Calanka lagama garan karo habka loo marayo xaqiijinta midnimada laakiin Daraawiishtu waxay aaminsanaayeen in habka keliya ee gumaystaha dalka lagaga saarikaraa midnimona lagu heli karaa ay tahay qoriga caaradiisa maadaama codka keliya ee gumayste fahmi karaa uu yahay codka rasaasta.
Xiddigta cad ee shan geesoodka ah ee dhexda kaga taal calanka Soomaaliya waxay u taagantahay midnimada shantii qaybood ee gumaystuhu u qaybiyey dhulka ummadda Soomaaliy. Midabka buluuga ah ee calanka oo ah midabka cirka oo aan caad lahayn wuxuu muujinayaa in sida cirku isugu furanyahay dhulka Soomaaliyeedna isugu furanyahay oo aanu xuduud kala lahayn qof kasta oo soomaaliyeedna meesha uu doono kaga noolaan karo.
Markii la dhisay Maamul Goboleedka Khaatumo oo hadda loo dabaaldegayo sannadguuradiisii kowaad waxa loo bandhigay dadweynaha soomaaliyeed ka qaybgalka tartan lagu soo samaynayo astaanta calanka Khaatumo. In ka badan 20 qof ayaa maamulka u diray astaan calan waxana ku guulaysatay oo astaanteedii la qaatay Marwo Rooda Xasan Cali aw Yuusuf. In kasta oo tartamayaasha badankoodu soo bandhigeen astaamo loo bogay haddana waxa Rooda kaga guulaysatay habka ay u midaysay halgankii gobanimadoonka ee Daraawiishta iyo ujeedadii uu ka lahaa Maxamed Cawaale Liibaan samaynta calanka soomaaliyeed.
Mar wax laga weydiiyey Rooda Xasan ujeedada ka dambaysa calanka ay astaantiisa samaysay waxay tiri: ” Calanka Khaatumo wuxuu muujinayaa darwiish gaadh ka haya qaran-nimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”. In ka badan labaatan sano ayaa beesha Rooda Xasan ka soo jeedaa u halgamaysay xoreynta iyo midaynta ummadda Soomaaliyeed taas oo boqolaal kun oo qof kaga dhinteen. Ilaa hadda oo qaran-nimadii Soomaaliya si weyn u wiiqantay waxa beeshaasi u taagantahay midnimadaas oo ka mid ah sababaha ay u dhisatay maamulka Khaatumo.
Rooda aabeheed, Xasan Cali aw Yuusuf wuxuu ahaa Guddoomiyihii kooxda G15 ee suurtagelisay in shirkii Khaatumo2 ee maamulka lagu yagleelay ku qabsoomo magaalada taariikhiga ah ee Taleex. Macalin Xasan oo ka mid ah macalimiintii hore ee Soomaaliya lama soo koobi karo tirada ardayda Soomaaliyeed ee uu ku beeray kuna barbaariyey wadani-nimada iyo ilaalinta midnimada qaranka Soomaaliyeed. Wadani-nimadii macalinku ku barbaariyey Rooda Xasan Cali aw Yuusuf waxay ka muuqataa sida quruxda badan isla markaasna cilmiyeysan ee ay isuga guurisay oo meel isugu keentay taariikhdii ugu muhimsanayd ee ummadda Soomaaliyeed lahayd oo ah taariikhdii Daraawiishta iyo baahida loo qabo midnimada oo Maxamed Cawaale Liibaan ku muujiyey calanka Jammhuuriyadda Soomaaliyeed.
Hambalyo Rooda iyo macalinkeeda oo labaduba ku dayasho mudan.
Axmed Tabaatiig
12 January, 2013
Figradihiina